Caashaqa Cusub

 

Fudaydka iyo go’aanka caaddifadaysan waa la eedaa. Maalinba muxubbadu nin bay saaran tahaye, maantana halyeyga badbaadada iyo liibaantu waa Barafasoor Axmed Ismaaciil Samatar. Madaxweyne ha la ga dhigo! Madaxweyne ha la ga dhigo! Madaxweyne ha la ga dhigo! ayaa meel walba ka yeedhaysa.

IMG_22A3D4-74DD26-B8961A-B7A7ED-4B6059-FD30FF

Madaxnimada ummadeed waa xil halis ah oo ay tahay qofka loo dhiibayo in aad loo soo tijaabiyo. Taa waxaa u gu horraysa qofkaasi in uu lee yahay sooyaal cad oo dadka kale oo dhan la ga ga doorto, la guna kalsoon yahay in uu masuuliyaddaa ku habboon yahay. Axmed Ismaaciil Samatar haddaba:

1) Weligii wax uu ahaa cadawga fikir ee u gu weyn ee la dagaallama aragtida “Soomaalilaand”, wax uuna aad u ga shaqayn jiray ka la qaybinta reeraha Soomaalilaand ku wada abtirsada

2) Wax uu yeeshay han ah in uu Soomaaliya madaxweyne ka noqdo, awooddaas oo uu u adeegsan lahaa ka la furfuridda iyo burburinta aragtida Soomaalilaand.

3) Soomaaliya wax uu ka la kulmay quudhsi aad u weyn, waana la gu qoslay in uu madaxnimo hawaystay.

4) Ciilkii iyo calooxumadii uu Xamar ka soo qaaday ayuu Hargeysa la yimid, isaga oo raadinaya awood nafsiyadeed iyo ismuujin uu Soomaaliya ka ga aargoosto, taas oo aan caddayn u noqon karin mabda dhab ah.

5) Imika muddo gaaban ayay isaga iyo Soomaalilaand is yaqaannaan, oo weliba uu qurbaha ka xoogsanayay, mana deign dalka oo u ma dhuun daloolo waayaha bulsheed ee dhabta ah.

6) Ma laha haba yaraatee wax waaya’aragnimo dawladeed ah; tacliinta iyo shaqo siyaasadeedna waa laba ka la duwan.

Haddaba Barafasoorku Axmed Ismaaciil haddii uu Soomaalilaand ka lee yahay han madaxweynannimo, horta dalka ha dego, xisbiyada ha galo (ama xisbi cusub ha furto), qofnimadiisa iyo kartidiisa siyaasadeed bulshada ha baro, waayaha dadkiisa ha ka mid noqdo oo hoos ha u barto, isaga qudhiisuna khibrad siyaasadeed ha yeesho.

Dadaalkaa iyo waqtigaa dheer haddii aanu awoodi karayn, ama u samri karayn, siyaasadda ha is ka daayo oo jaamacadaha wax ha ka dhigo, oo dadkiisa abaal taariikheed ha gashado.