Bulshada Baahan! – W/Q: Mukhtaar Bulshaawi

bulshaawiAlaxdulilaah. Illahay baa mahadleh igu simay inaan qoraalkan qoro. adigana fursad ku siiyay inaad akhrisatid.

Maalintii timaadaba waayaheeda iyo wakhtigeeda gaarka ah ayay wadataa, sidaas si la mid ah maantanna kama maqna. Arraar iyo haddal badan yaanan wakhtiga kooban kaga lumin.

Bulshadeennu way baahan tahay. Waxay u baahan tahay nolol iyo dariiq ka duwan kan ay maanta hayso. Waxay u baahan tahay tobabar nololeed in la siiyo. Ilmaha yar marka uu dhasho wuxuu ku caqliyaystaa Hooyo iyo Aabo. Kadib, wuu istaaga, maalin wuu dhacaa maalina wuu dhaqaaqa, aakhirka labada lugood si wanaagsan ayuu iskula helaa. Bulsho barbaarinteeda iyo tobabarkeedunna halkaas ayuu ka soo bilaabmaa. Carruurta waxa la geeya iskuulo si ay wax u bartaan waxa la baraa akhalaaqda, hab dhaqanka ixtiraamka leh, qadirnta leh, xushmada iyo habka dadka kaa waawayn loola hadlo loona maamuuso. Ilmuhu markuu iskuulka ku jiro waxa lagu barbaariyo waa wax ku duuban maankiisa iyo maskaxdiisa. Aan u imaado wadan keena, marka layna qoro iskuulka waxa laynoo dhigaa uun casharo aan nafta tobabar u ahayn. Cilmiga bilaa tobabar nololeed ah  cilmi maaha, cilmi aan bulsho iyo dad badalayna cilmi maaha.

 12 sanno oo aan iskuulka ku soo dhamaysanay nolosha bulsho iyo dad ahaan midna may badalin wali waxaynu taaganahay halkii hore. Sababtoo ah, waxbarashadu waa inay badashaa, shakhsiga, qoyska, ilaa heer ay wada badasho bulshada dhamaanteed. Ilmaha yar markuu iskuulka ku jiro hadaan loo sheegin oon lagu barbaarin xashiishka ha ku tuurin wadooyinka lakiin ku rid goobaha loogu talo galay ee wadooyinka dhinacooda ku yaal. Waxa aan Master wada dhiganaa wiil ka yimid Cameroon, waxaannu is ka waraysanay waxyaabaha dugsigii hoose loogu soo dhigay. Waayo, markaan hab-dhaqankiisa arkay ayaan ku dhiiraday inaan waraysto wuxuu i sheegay in iskuulka hoose loogu soo baray hab nololeedka bulsho ilaa heer dawladeed dhamaantiis kaas oo uu igu tilmaamay sida….

  • Waxyaabaha dadwaynaha ka dhexeeya sida, dawladnimada iyo calanku waa waxa koowaad ee inaga dhexeeya iskuna keen haya, hantida ma guurtada ah, goobaha ganacsiga iyo nabada iyo wada nolaashiyaha in la ilaaliyo.
  • Ixtiraamka dadka waa waayn, habka dadka loola hadlo, qaabka waxyaabaha aad u baahan tahay loo raadsado. Habka dawladnimada loo ilaaliyo.

Wali waxaan naftayda waydiiya qof aqoon leh. Dugsi sare dhamaystay ama jammacadda Degree ka dhamaystay ama xataa Master iyo PHD oon waxyaabaha nolosha u asaasiga ah aqoon u lahayn. Sababtu waa waxa ka dhiman tobabarkii nolosha iyo fahansanaanta muhiimada iyo faa’iidada cilmugu leeyahay.

Markale, waxa fasalkayga ila dhigta tiro ku dhaw 20 arday oo wadankan Ciraaq ka yimid. Kaligay ayaan ka ahay soomaali fasalka. Waxay i waydiyaan waxyaabaha aan kaga duwan nahay bulshooyinka kale iyo dhaqanka bulshadayda, maalin anakoo sheekaysanayna ayaa waxa meel gaaban hadal igaga soo tuurtay gabadh Ciraaqiyad ah, waa lagu dhan yahay goobta….

Tamiim waxay igu tidhi “Mukhtaar raga Soomaalidu sowku dila maaha dumarka, maxaa dhacay”

Aniga ugu jawaabay…”Tamiim, xagaad ku aragtay” waxan la noola Dubai iyo Doha dad soomaali ah, raggaas dumarkooda way dili jireen guhaadina jireen ayay si dagan igu raacisay.

Haye, miyayna ahay in guurka ka hor la barto tobabar la siiyo qofka ama uu isagu u diyaar garoobo habka loo dhiso nolol farxad leh loo ixtiraamo xaaskaga iyadana loo baro habka loo ixtiraamo sayiga. Runtii bulsho baahan ayaynu nahay.

Noloshu hadaan inagu is badal ku samayn oo aynu sugno intay is badalayso waligeen waxaynu ahaan doona rajo ku nool aan meel gaadhsiisnayn. Baahidu waa hubka alifaada iyo soo saarista wax cusub. Haddaba, soomaali ahaan baahida ina haysa iyo dhibka ina hayaa miyuu ina baray wixii lagu dawayn lahaa, waxay u muuqataa inaynu wali macaansanayno dhibka iyo rafaadka nolosha ee aynu ku sugan nahay, inaynnu wali macaansayno in aynu ku nolaano goobta ugu nolol hoosaysa aduun ka maanta aynu ku nool nahay.

Siyaasiyiintu, waa halka dib u dhaca bulshadu ka taagan yahay. Isma waydiino qofku goormu dad maamuli karaa? Goormuu siyaasi noqon koraa? Bal ila eeg, qofka markuu waxbarashadiisa dhamaysto, naftiisa meel dhigo, qoyskiisa iyo hawshaas maamulkeeda ka soo baxo, deegaankiisa wax u qabto taalaabo talaabo uu u soo socdo, gudida dhalinyarada xaafada uu dagan yahay ka soo mid noqdo urrurada bulshada deegaankiisa goolaha deegaanka, ama baarlamaanka kadib ayaa la odhan karaa waa siyaasi dal iyo dad matali kara laakiin kuwan maanta jooga magaca ayay miin guriyeen unna miin guriyeen xumaan iyo dhac. Dhibkeenu waa qof aan xafis dawladeed waligii ka soo shaqayn, arrag ama xataa aan fikir ka haysan ayaa aynu mansabka ugu sareeya ku raraynaa.

Dawlad iyo horumarinteed waxa laga helaa bulsho ka dhisan hoosta.  Bulsho aan iskala qoob qoobayn, bulsho qofka xun aan reernimo ku difaacayn, bulsho wanaaga isku garabsata xumaantana ka biyo diida, waa taas bulshada wadan wada dhisan kartaa.

Gabogabadii, waxaynu nahay bulsho baahan, bulsho meelwalba oo nolosha ka mid ah u baahan in laga dhiso, bulsho u baahan in ay carruurta maanta iskuulka ku jirto tobabar siiso oo ayna noqon sida kuwan maanta ee nolosha khalday, bulsho u baahan qaabka loo sameeyo horumarinta deegeean, gobol, ilaa heer dawladeed, (community development). Ma ogtahay in aynu cunno cunto aan dalkeena ka bixin mase og tahay lacag tiro badan oo wax lagu qaban lahaa beeraha lagu horumarin lahaa ku baxdo quutal daruurigaas, ma ogtahay in jaadka maalinwalba lacag xadka bax ahi ku baxdo mase og tahay in gawadhida yar yare e raaxada aynu ku soo iibsano lacag aan qiyaas lahayn, mase og tahay in shidaalka aynu ku bixino maalinwalba lacag qayrul macquul ah, mase og tahay in oloolaha doorashooyinka iyo doorashadaba ay inagaga baxaan lacag qayral macquul ahi. Dhamaan waa baahiyaha asaasiga ah lacagta dalkeena u hadhaa (Save) garowdaa waa mid aad u yar baahideeda dibada ayaa badan walina ma hayno si xal iyo nidaam aynu ku raadino si aynu uga maarano baahida lacagta baddan ee inag baxaysana u ilaashano.

Illahay waxaan ka baryaaya inuu inagu sugo dariiqa wanaagsan iyo khayrka gabi ahaantiis, inana garan siiyo habkaynau nolosheena u dhisi lahayn.

Mukhtaar Cabdi Sheekh “Bulshaawi”

Mukho4me@hotmail.com