BAROORTU ORGIGA KA WEYN

 

Aan ku bilaabo, Magagaca illaahayga weyn ee naxriista,naxariista guud iyo tan gaarka ahba.
Aan soo dhaweysto qalinka iyo dawaadda bal aan isku dayo in yar inaan wax ka idhaahdoqayladan daalluuntay ee ayaamahan ku wajahan Haamaha shidaalka lagu keydiyo ee ku yaalla magaalada Berbera.
Bal horta intaanan u gelin mawduucayga dhabta ah ee aan rabo in aan ka hadlo bal aan dib ugu yara noqonno taariikhdeennii hore,aan ka soo bilowno markii aynnu calanka qaadannay 1960,walaalayaal maalmuhu waxay isu bedelayaan oo taariikhdu u soconaysaa in aan wax ka baranno oo waayo arragnimo aan ka qaadanno waxyaabaha dhacayana aan cibro ka helno.
Illaahay innaguma dhibin wax dhiig ahani innagama daadan si dhib yar ayaa Gumaystihii Ingriisku innoo siiyay callankeennii,marka gumaysi la yidhaahdo eela bar-bar dhigo dawladaha kale ee Afrikaanka ah ee la gumaystay aad ayaan uga sahlanayn qaab gumaysiga xataa marka lagu daro Soomalida koonfureed ee aan la midownnay.

Sidaan wada ogsoonahay wax la galay oo heshiis ihi ma jirin ama qoraal ha noqdo ama baallan kaleba ha noqdee,labadaas dawladood ee isu tegay maraad eegatana labada dhanba waxaa hormuud ka ahaa dadkii uu gumaystihii aan dirnnay innagaga tegay, si kale haddii aan u idhaahdo wax badan ismay dhaamin sababta oo ah iyaga iyo kuwii tegey isku hal buug ayay siteen oo innagu maamulayeen ,waxay sameeyeen Barlamaan Dastuur kii gumaysiga laga soo dheegay ayuunbaa la dhigay, Manahajkii iskuuladii aan dhisannay ama kuwii hore ujirayba carruurta wax lagu barayay wuxuu ahaa manhajkii gumaystuhu innoo sameeyay, taas ugama jeeddo yaan wax la baranin laakiin waxay ahayd manhaj adigu aad u baahantahay noociisa inaad samaysato,isla markaana uu hoos yimaaddo kan illaahay ee loogu talao galay in uu kawnkan lagu maamulo isaga iyo dastuurka gaal lagaaga soo dheegayba waxay ahayd in ay ka yimaaddaan Kitaabka illahay sunnihii Nebi maxamed scw.

Bal u fiirso Manhajkaas iskulada yaallaa illa maanta wuxuu yasayaa diintii illahay iyo luqaddii fiicnayd ee illhaahay u doortay ee carabiga ahaydba wagaa hore Macalinka dhiga diinta waxaa la odhan jiray Macllin dayaane isaga kan carabiga dhigaba mushaarka Dawldda hoose ayaa siin jirtay mushahaar aad uga liita kan macallinka Xisaabta dhiga oo kale dhanka kale diinta iyo carabiga marka laysku daro 100 dhibcood ayaa lagu bixin jiray, halaka xisaabta oo qudha lagu bixin jiray 100 dhibcood waxay hayd niyad jebin toos ah ku hayd si aan loo baran diinta oo ardaygu u yidhaahdo haddaan hadhow macallin noqdo in aan dawladda hoose mushahaar yar oo maclin dayaane ah uma baahni.

Malaha waan fogaadee aan ku soo noqdo dulucda qoraalkaygan aan uga socdo,waxaa hubaal in qof kastaa dheriga uu karsanayo uu kala soo baxo wixii uu ku ritay taa macnaheedu waxa weeye macquul maaha in adigoo dherigaaga baasto ku ritay aad hilib kala soo baxdo oo baastadii hilib kuu noqoto,taas waxa la mid ah marka adigoo dawladnimadii sita oo aan wadan diin iyo alle ka cabsi toona aad ula tagtay qolo iyaguna kula mid ah oo intay dawladnimadii kaa qaadeen iska daa waxaad ka heshoo waa lagugu gumeeyay oo wax kastoo aanad geyin ayaad ka heshay,waxay gaadhay in la yidhaahdo dhulka xataa waa laga dabar jarayaa dad kale ayaa lagu beerayaa illaahay xaggii ayuunbay taasi ka dhici weydey,sabatay taasi u dhcdayna waxay ahayd kitaabkii alle oo aad ka tagatay iyo caddaalad xumada aad qaadatay.

Haddaan u imaaddo Gunnadka qormadaydan Somali land ayaan yagleelnay waxaan samayssannay calan tawxiidku ku qoranyahay oo aan illaahay baalan kula galnay oon aan nidhi illahow adaa na badbaadiyay maantana waan kuu soo noqonnay kitaabkaaga iyo sunnahii nebigaaga ayaan qaadannay oon isku maamulaynaa ma yeelnnay? mise been ayaan sheegnnay oo waxaynnu hoosta kala soo baxnnay dastuurkii shaydaanka.

Waxaan maalmahan warbaahinta aad ugu arkaynaa Baroortan orgiga ka weyn ee ka baxaysa Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera waan wareejinaynaa iyo wareejin maysaan,tolow keebaa labadan muran ee is mari la dani innogu jirtaa haddaan nahay shacabka dan yarta ee reer Somaliland, qolo waxay doonaysaa inay iminka cunto waa dawladda hadda gacanta ku haysee qolada kalena waxay doonaysaa in aan laga sii cunin ee markay iyagu yimaaddaan inay cunaan,arigtayda shacabka qolona dan uma waddee iyagaa kala ridanaya.

Bal in yar u fiirso akhristow intii aan la soo noqonnay xornimadii aan luminnay waxaa inna soo marray afar dawladood 1.tii kowaad waa tii alle haw naxariistee tii Abdiraxmaan Axmed Cali waa tii ugu wanaagsnayd waqti adag ayay la kulantay wax badani umay qabsoomin waxay waddankaas yeeshayna ma jiri2. waa tii aalle haw naxariistee Maxamed Haji Ibrahim Cigaal,waxay ka liidatay tii ka horraysay waxayse aad uga fiicnayd tii ka danbaysay 3.waxaa timi tii Dahir rayaale Kahin waxay aad uga wanaagsnayd tan hadda joogta 4. tan Axmed Maxmed Siilaanyo waxay aad uga wanaagsanaan doontaa tan soo socota,waxaa hubaal ah haddii alle ka dhigo oo Eebbe innagu simo tan soo socotaa ay timaaddo way ka liidanaysaa tan maanta joogta ee aan ka qaylinaynno,haddaba abal aan si weydiinno sababtu waa maxay?bulshayahay dadkan inna xukumayaa innagay innaga soo dhex baxayaan innagaa doorannayna innagaa keenayna haddana ka qaylinayna, qofka islaamka ahna hog laba jeer lagama wada qaniino.

Waxaan qormadaydan ku soo ibo xidhayaa waa maxay xalkeennu? xaggee ayuu ku jiraa? aniga aragtidayda xalkeennu gacanteenna ayuu ku jiraa waxaana weeye in aynnu ooffinno balantii aan illahay la galnay oo aynnu isku xukunno kitaabka illahay iyo sunnhii nebigisii suubanaa maxamed s.c.w, maalinta aan taas yeelnno ,ayaa Illaahay innaga dulqaadayaa abaarahan iyo inkarahan inna haysta oo dhan mar qudha ayaa Illaahay innaga faydayaa haddii aan taas yeelnno oo aan ku toosnaanno Illahay ayaa taas ballan qaaday Illaahay ballantiisuna wa dhab oo ballanta kama baxo,xagge ayaynnu ka bilownaa Aan u bandhignno Culumadeenna 1.Sh.Maxamed Sh.cumar dirir 2,Sh.Mustafe Haji Ismaaciil Haruun 3. Sh.Adan siiro iyoSh ,hebel……………………………………… intaas oo shiikh ood idinkuba garanaysaan idinkaaba iga badiyee.

Waxaa soo bixi doona cmiri dherer ay keeni doonaan dadka loo yaqaanno cilmaanida ee aan daba soconnay in ka badan 55,sanno ee geesna ummadan u wadai waayay,beesha Caalamka ayaa cawimada innaga goosan doonta waxaan caawimo ,deeqdiisa weyn iyo aqoonsiba innogu filan Illaaheenna weyn.

Wixii sax ah ee aan dhigay halkii loo baahnaa waa sidaan rabay,wixii qalooc ah ama qadaf ah ee ka yimaadda qoraalkaygan xagga shaydaanka ayay ka ahaadeen raalli gellinna waan ka bixinayaa.

Aqoonyahan, Ibrahim Aadan Maxamuud
E-mail. ibrahimmohamed63@hotmail.com

Tel/063 4022994