Barnaamijkii ‘Qiimee qofkaaga si aad qiimo u yeelato’ ma waxa uu ku danbeeyay Qamaar?

Maan jeclayn in mawduuc noocan ah aan idiin soo bandhigo balse waxa igu kalifay in aan soo bandhigo barnaamijkii qiimaha lahaa ee loogu magac daray qiimee qofkaaga si aad qiimo u yeelato oo aan sidii ay shacbi filanayeen u fulin balse noqday barnaamij lagu khamaaray sababtoo ah waxaa halkaasi ka muuqday rag aan la odhan karin waa haldoorka somaliland oo ay ku jiraan rag badan oo siyaasiyiin ah isla markaasina ay bulshadu la yaabtay sida ay ku noqdeen haldoorka somaliland walow ay jireen tiro yar oo la odhan karo bulshada ayaa si sax ah u qiimeeyay .

Saluuga dadwaynaha ka sakaw waxa iyaduna soo baxay in ragaa isku sheegaya in ay yihiin haldoorka somaliland ay kharash abadan ku bixiyeen sidii mar uun uu magacoodu uga mid noqon lahaa 100 ka qof ee la  soo xulayey .

Si kastaba ha ahaatee waxa lagu ciyaaray magacii haldoorka jamhuuriyada somaliland taasi oo ay maamusheen rag magac ku doonayey in ay iska arkaan shaashada haldoornimo ee somaliland

Guntii iyo gabagabadii waxaan u sheegayaa bulshada somaliland in aanay qiimayn rag badan oo hadhaw ula faan iman doona waxaan ka mid ahay haldoorka somaliland balse ay haldoor u aqoonsadaan qof kasta oo wanaag ay ku tuhmayaan isla markaana ay ka arkaan kartidii waxqabad iyo kaalinta uu ka ciyaaro horumarinta dalkiisa hooyo.

Ha u aqoonsanina haldoor ninka ku takri fala hantida dadwaynaha ,ninka magac doonka ah ,iyo ninka doonaya in shacbiga indhaha somalaliland uu ku soo jiito wax aanu isagu qaban ama samayan .

Magaca haldoorna ha u qaadanina in uu ugu wayn yahay siyaasi danayste ah oo marwalba shaashadaha telefishanada balan been ah u qaada shacbigiisa isla markaana ku takri fala hantida qarankeenani leeyahay.

Cali Maxamed Xussen Wacays 

<wacays_gg@hotmail.com>