Balaayaa ka soo Ham iyo Dig leh!  Qeybtii Saddexaad

 

Dhawr cisho markuu goobtii ku sugnaa oo uu tilifoonkiisii hore ee la yaqaaneyna daaqada ka tuuray ayuu goor galab ah lasoo hadley halac markii uu ka qabtey ee uu garwaaqsadey inuu yahay ninkii ay waayadanba raadinayeen ee feedhayare ayuu si dhaqso ah u su,aaley waxa helay iyo halka uu ku danbeeyay. Waxa uu ugu jawaab celiyay inuu ku foognaa hawlo badan oo sabab u ahaa imaanshihiisa si aanu shaki u galina ileen dadku waa wada heegan oo dareen amni daro ah ayaa ka dhex guuxayay wakhtigaa.  ayuu usii raaciyay “gobolkana waan kayara tagey  oo Hiiraan baan jooga ana idinla soo hadli markaan imaado magaalada e , iigu salaan ragii kalena” hadalba kamuu sugin Halac ee telephonekii ayuu dam kasiiyay. Fajac walee ninkani waa nin aan la saadalin karin ayuu niyada ka yidhi Halac.

 

Ayaamuhu way socdaan, todobaaday isku badeleen, bilo ayey usii gudbeen feedhayarena wuxuu aad usoo qaatey tababaro kala duwan iyo wacdiyo badan oo lagu sii xoojinayo niyada uu u hayo hawshan uu ku fooganyahay, haddaba wuxu si kama ah ugu sheegay abaanduulihii kooxdooda inuu jiro nin ay saaxiib yihiin oo la shaqeeya koox dad ah oo ajaanib ah waliba gaalana ah, markaa wuxuu waydiiyey wuxuu noqonayo xukunkiisu, meel fogba jawaabtii kamuu doonine wuxuu yidhi: “Eboow ninkaas Murtad waaye, gaalada ayuu kaalmeynayaa sidii ay dadkeena iyo dalkeenaba ula wareegi lahaayeen ee waxaa isheegtaa halkaynu ka heli karno abuhurayra” waa feedhayaree wuxuu isna ugu hal celiyey wuxuu la shaqeeyaa hayada caalamiga ah ee UNRD. Allahu Akbar..Allaahu Akbar… Allaahu Akbar ayuu ku celceliyay isagoo cod dheer ku qaylinaya, amakaagbay ku noqotay feedhayare isagoo indhaha kala bixiyay oo abaandullihii sii eegaya ayuu kuyidhi war khayrlaad sheegtay ina mari aynu lasoo shawrno kooxdaase.

 

Abaabul badan iyo wada tashi badan waxa laysla qaatey inuu ku noqdo hoygii ay daganayeen Hanad, Halac iyo Hanfade si uu ugu kuur galo una soo daraaseeyo xalaada Hanad iyo goobta uu ka hawl galo waxaana la raaciyay nin kale oo la yidhaa Kuusow waxey kasoo raaceen baabuurta nooca loo yaqaan Hoomay (bascaasi) xaafada Huriwaa waxaaney soo gaadhen suuqa bakaaraha halkaas oo ay midkale kasoo raaceen oo soo gaadhsiyay xaafada Hodan oo uu ku yaaley guriga ay u socdeen, sidii qorshuhu ahaa laba todobaad ayay aad ugu dadaaleen inay ogaadaan waxkasta oo ku saabsanaa Hanad iyo shaqadiisa, isagoo usheegay inuu ninkan kuusowna yahay saaxiib ay goob kawada hawl galaan oo uu inbadan ka caawinayay la qabsiga magaalada.

 

Markii ay soo dhameysteen hawlahoodii ayey kusoo laabteen xaruntii ay hawlgalka ku wadeen warbixin dhamaystiran iyo xog buuxdana madaxdii ayey ku wareejiyeen, isla markiiba waxa la bilaabey sidii weerar balaadhan goobtaa loogu qaadi lahaa feedhayare wuxuu kamid ahaa dadka in badan ku hamiyayey inuu shahiido waxaanu safka hore ka galey kooxda weerarkaa loo diyaariyay waxaana losoo baqooley goobtii loo socday.

 

Ileen masiibo madhamaato waxey aheyd goor barqo ah markii weerarkaasi uu ka dhacey xaruntii ay u asteeyeen, dad badan oo labada dhan ahna wey ku le,deen waxa ka mid ahaa Hanad iyo feedhayare iyo boqolaal qof oo kale, murugadii meeshaa ka dhacdey waxey saameysay qoysas tiro badan oo aduunyada dacaladeeda kala jooga waxa kamid ahaa qoyskii uu kasoo jeeday Feedhayare oo ay ku noqotay u qaadan waa iyo afkala qaad.

 

 

 

Dhamaad……

 

W/Q- Hibo Ciise Maxamed(Basbaaso)