Baafin: Waxa la baafinayaa Will 7 jir ah oo magaciisa la yidhaa Cabdiraxmaan Axmed Ibraahim

Waxa la baafinayaa wiil yar oo 7 Jir ah, Magaciisu waa Cabdiraxman Axmed Ibraahin. Magaca Hooyadii waa Xaliimo Xasan Axmed. Wiilkan yar ee lumay markii u dambaysay wuxuu xidhnaa Funaanad Bunni ah iyo surwal (light blue-ah) oo ah nooca Khamiisyada loo xidho.

Hadaba Cidkasta oo Aragta wiilkan yar ee 7 jirka ah si naxariis-leh looga codsanayaa inay la xidhiidhaan Telephone Number-kan 0634149700 Ama Saldhig Boolis halkii kuugu dhaw ama Xaafada State House-ka ee Galbeedka Hargeysa, gaar ahaan qaybta Shanaad oo uu ka soo lumay.