“Waa Khudbad Qaran, waa la dhegaysanayaa, waana la kala tagayaa” Gudoomiyaha Golaha Guurtida

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta Berri khudbad sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeedin doona fadhi wada-jir ah oo ay Isugu imanayaan xildhibaannada labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo jeediyey in madaxweynaha Su’aalo laga weydiiyo xaaladda dalka iyo mowqifkiisa ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka.

Haddaba, guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo wax laga weydiiyey soo jeedinta mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in khudbadda madaxweynuhu tahay qudbad qaran oo ay tahay in la dhegaysto, balse aanay sharciga ku jirin ama aanay hore u dhicin su’aalo la weydiiyo madaxweynaha.