Baadidii Gorayoquute! – W/Q: Saddam Carab

 Saddam Carab Raqley waxa ay caan ku ahayd shabeel tiro badan oo laayaan ah. Shabeelku Dad iyo xoolo ba waa uu qaadi jiray jiroo ay xooluhu halista uga nuglaayeen dadka. Si aan talo gal lahayn buu kaymaha guudkooda lamafilaan ugaga soo boodi jiray shabeelku oo kala goosan jiray wixii uu arko. Boqol tallaabo haddii aad socoto ugu yaraan raq xoolaad in aad la kulantaa waxa ay ahayd caadi. Taasina waa sababta magacan ”Raqley” ay kula baxday degmadu. Had iyo jeer heegan baa qof wal iyo qoys waliba ka ahaa halista shabeelka ma dhaafaanka ah.

   Ugu yaraan labaatan reer baa deggan deegaanka Raqley. Hal qoys ma ahane inta kale kala jib ha ahaadeen ee waxa ay isugu yimaaddaan figta abtirsiimadooda. Jeesas teelteel sida ay isu sii xigaan ah ayey u yaalleen. Ma uu jirin qoys kali ah oo kali deggan kolka laga reebo qoyska reer Gorayoquute. Iyagu geesta u bariyaysa degmada ayey gooni u oolleen, waanay isku fillaayeen oo iskood ayey u ahaayeen jees. Raqley guud ahaan dhallinyarteeda waxa waayeelkeedu ku carbiyaan riddaynta warmaha iyo hootooyinka, adeegsiga xeeladaha looga badbaado shabeelka iyo feejignaan joogtada ah. Waa kaas darsi gole kasta lagu barto ee la is baro jeeraale.

   Gorayoquute iyo qoyskiisa dhammaan reeraha degmadu waa ay faquuqaan. In aanu la dhiig ahayn baa lagu caydhsadaa laguna gumeeyaa. Hawlo badan oo uu dadka degmada u qabto ayaa jira, taa se cidna ammaan iyo mahad kagama helo. Maalinta dhan loo dhaafo la waayo ee baahiyi reer Raqley Gorayoquute dulkeento, isagu ma aha mid aarsada ama afmadhan lagala noqdo. Dhab ahaan waa naf deeqsi ah oo dabci iyo dulqaad badan. Magacan “Gorayoquute” raalli kama uu ahayn sidii loogu baxshay se in badan ma dhibsado. Bari abaar xumi ka dhacday deegaanka, subax hore ayuu foof tagay. Ay jiq ah oo kor kaga beegan Raqley buu waaga barigiisii xulay. Sidii ay abaartaasi u dhacday ayda ugaadh badani kuma ay hadhin. Wax gaajo u dhintay iyo waxa ay u qabsantay wax dhulka ka hayaamay ugaadhii. Laakiin gorayo aan tiro badnayn buu ku tuhunsanaa in ay ayda ku sheelantahay. In badan buu duuddii dhukusaad uu shanqadh tiranayo dhex qaaday. Hase ahaatee waxba ma uu arag. Dabagaalle iyo bakaylayaal baa dhowr jeer ka hor siigeeyay. Runtii ma uu jeclaysan, hungurina kama galin.

   Maalintaas in uu faromadhni ku laabtaa waxay ahayd wax aan dhacayn. Afadiisa iyo laba wiil oo mujo ah oo ay haysay in uu af madhan kula noqdo wuxuu u arkayey masuuliyad darro iyo nin jileecnimo. Sidaas darteen wuxuu isku culaysiyey in aanu ugaadh la’aan hoyan. Maalintii oo dhan il iyo baal ma uu saarin goraydii uu rajaynayey. Waranka iyo gaashaanka mar walba diyaar buu la ahaa. Waayo ilbidhiqsi kasta meel walba ugaadhu waa ay kaga iman karaysay. Gabbalkii oo bilaabay in uu dumo, meel geesta bidix kaga beegan baa shanqadhi uga baxday. Degdeg buu ugu jeestay. Atoor iy yac isdaba boodaya ayey ahaayeen. Ku tuur waranka iyaba kama darayaaane markii uu isyidhi iyo in ay gorayo baraad li’i xagga galbeed kaga timid ayaa isku mar ahaa. Sagaaradii hunguri kama galin. Xaggii gorayada inta uu u jeestay oo dib isaga gundhiyey ayuu waran sida ubadkiisa u gaajoonaya oo miisaaman gorayadii shiish garabka dushiisa ka sudhay. Si fiican buu ugu dhacay. Dhiigbaa haw ka soo yidhii halkii waranku ka dalooliyey. Waa taas dhulka u dhacday ee rafanaysa durba. Mindi yar oo suunka dhexda u sudhnayd buu degdeg ugu bireeyey. Iyada oo goraydii qalan buu tunka ku soo ridtay. Farxad bay u ahayd in uu maxastiisii u sido quud xalaal ah. Laakiin kuwo ka mid ah reer Raqley oo fiidkaas arkay isaga oo dhiiggii gorayadu dharkiisii qoysay iyo jeerar kale oo gurigiisa subag gorayo lagu arkay awgeed bay si yasid leh ugu naanaysay Gorayoquute. Walow aanu raalli ka ahayn, haddana meel walba waa uu ka dhacay caanna waa uu noqday.

  Gorayoquutee carruutiisu waa afar, afar wiil. Qayrkood waa ay ka laf iyo cudud waynyihiin. Haddii lagdan la dhigto in midkood dhankiisa dhulka la dhigaa waa habeen xalay tagay. Laakiin sida aabbohood loogu sheegi jiray gunta si la mid ah ayaa iyagana loogu sheegaa. Xagga shiishka riddada inta la ogyahay Ilma Gorayoquute ugu yaraan sha shabeel oo degmada si gaar ah farobaas ugu hayey saddex ka mid ah iyagaa dilay. Cidina uguma mahadniqin aan aabbohood ahayn.

  Gamuute oo ah curadka Gorayoquute waxa uu raacaa geela.  Waligii geela ma diyicin. Hase ahaatee fiid dhawayd oo uu geela soo carraabinayey baa qaalin layli ahi geel kale ka raacay. Geel reer Raqley lehyihiin ayuu habeenkaas la hoyday qaalinkaasi. Subaxdii ayuu Gamuute u tagay reerkii si uu qaalinkii baadida ahaa uga soo kaxaysto. Laakiin wax aanu filayn buu kala soo kulmay. Isaga oo labadiisa indhood ku arkaya qaalinkii oo geela gaar faquuqan sida reerkoodu uga faquuqanyahay reer Raqley baa lagu yidhi ma aannu arag. Kolkii uu u sheegay in qaalinku yahay kan cidlada taagan waa laga sii maadsaday. Jeer faro madhni uu iskaga soo laabtay. Arrinkii ayaa Gorayoquute ku adkaaday. Baadida in la isku celiyo ayuu dhaqanku ahaa laakiin ma uu fahmin arrinkan. Waxa ay isugu soo biyo shubatay uun in aanu Gorayoquute lahayn cudud uu ku dhacsan karo neefkan. Iyo in reer Raqley ku yasayaan in aanu la dhiig ahayn. Samir buu guddoonsaday, si kalena uma bannaanayn.

   Saaka barkadda wayn ee reer Raqley u arooraan waxa joogay ilaa tobaneeye geel oo la waraab keenay. Kuray dhowr ah baa kadinka geela ku horaysey, hadba hormo  soo daynayey. Kuwo kalena oodda berkadda meel u dhow bay ku shiish baranayeen oo warmo ku tartamayeen. Marba midkood ayaa meel loo astaynayey dabadeed la eegayey in uu la helo iyo in uu la seego tuuryada. Geelana hadba hormada darka ka soo fushaa berkadda hareerteeda ayey goobyaalaysay. Wiilashiina hadba riddada hootada bay isu dhiibdhiibayeen. Laakiin midkood oo si xoog ah u ganay waran baa la seegay jirrid loo asteeyay, waa uu soo dhaafay warankii halkii loogu talo galay isaga oo aad mooddo in uu dhaarsanyahay. Daf! si toos ah buu neef geelii fulay ee barkad dultaagnaa ka mid dhuunta uga haleelay. Quluul buu ugu dhacay neefku barkaddii uu dul taagnaa. Hootadu halkii ay ka xuluulatay dhiig aad badan baa ka yimid waayo waranku waxa uu ugu dhacan si miisaan leh, neefkuna waa uu ka baraad la’aa. Degdeg baa biyihii barkaddu casaan dhiig ah u noqdeen. Raggii darka ku jiray waa ay isaga bexeen darkii iyaga oo neefka baxay iyo biyaha wasakhoobayba aad uga xun. Laakiin waxa yaab lahayd in neefka la dilay ahaa kii Gorayoquute laga baadixoogay, wiilka dilayna uu ahaa kuwii baadixoogay mid ka mid ah!

Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeysa, Somaliland