Axmed Muumin Seed Ma Wasiirka Beeraha Somaliland Baa Mise Waa Wasiirka Sun-Beeraha Somaliland?

 

Waxaad maqlaysaa Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo ah mid iska Waraabe taag ah, haddana layaabka Somaliland waxaad maqlaysaa Wasiirkii Beeraha ayaa heshiis   la galay shirkad nin China u dhashay oo doonaya inuu geed ka beero Somaliland iyadoo walaa Wasaarad Beereed ama Maalgashi midna baadhid ku samaynin bal shirkadan ama Ninkan China ah ee la sheegay waxa uu yahay dhab-ahaan iyo mashruucan uu wataa waxaa uu asalkiisu yahay. Waxaad ba maqlaysaa sidii riwaayadii Aw-Bustaale Maansha allaah maalgashi ayaa Af inoo soo kala qaaday oo waa la inagu so hiranaya sidii inaynu nahay dal madaxbanaan oo kale ayaa la inoola dhaqmayaa.

Waxaa mudan amaan Muwaadinka Somaliland u dhashay ee Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo baadhis ku sameeyay geedka uu ku talo galay ninka china ka soo hangalaystay ee doonaya geed dani ugu jirto isaga laakiin aan wax wax faa’ido ah u lahayn dadka iyo duunyadda Somaliland oo suna inuu ka beerto banka Wajaale taasi miyaanay ina tusayn in magac u yaal xukuumad ah oo uu horboode ka yahay Muuse Biixi Cabdi (Dameere) in ay iska yuurarto Shacabka Hargaysa oo aanay ogaynba waxa dalka ay xukunto ka socda, halka Muwaadinka Cabdi Ismaaciil Faarax uu u feejignaa sida Tukuha.

Axmed Muumin Seed oo ahaa Wasiir ku sheeg fadhiid ah oo aan lahayn wax aqoon ah oo uu ku gaadhi karo Wasiir ahna mid uu u xidhay shaadh ka wayn Muuse Biixi Cabdi (Dameere) kaasi oo ah iga gee iyo xukuumad  ayaan dhisay oo madaxwayne ayaan ahay iyadoo kuwaa uu Wasiirada ka dhigtayna ay yihiin kuwaa sun beerayaasha ah  halkii laga filayay inay  dalka ka beeraan dalag ku filan oo dadka Reer Somaliland kaga raystaan cuntada loo beero si fudud sida khudrada oo uga timaada Ethiopia Allow maxaad Somaliland ku soo habaartay wax ma tare ilaa iyo 1960, kii sida Axmed Muumin Seed iyo kuwo aan dhaamin waa  halkii laga odhan jiray dal ba’ow yaa ku leh?

Wasiir Seed oo mudadii ugu horaysay ee la dhisay xukuumadda uu ka tirsan yahay ee istuska iyo ismuujinta beenta ah is lahayd ka iibbi dadwaynaha reer Somaliland kaasi oo inoo yeedhiyay in uu ka beeri doono cunto inagu filan bananka Wajaale iyo Ood Wayne dad badanina soo dhaweeyeen kuwaasi oo  Wasiirka bilaash xaytaha ahaa ka filayay bal waxa uu ku soo kordhiyo qaranka Somaliland. Laakiin waxaad ku soo gabagabowday Wasiir Muumin Seedow inaad qarankii kaa dhigay Wasiirka beeraha in aad ugu abaal gudo in aad ku soo hogaamiso Chinese sun sita  oo dalkiisii china markii ay u suurta gali wayday inuu ka beero geed sun ah in uu ula soo dalandoolo xagaa iyo Somaliland ilayn iyadaa baylaha oo aan cidna lahayn oo la’odhan karaa waa ( No man’s land) waxaan se kuu sheegaya adiga iyo Muuse Biixiba oo ku magacowday inaad u noqoto Wasiirka beeraha inaad manta qaranka Somaliland ugu suntantahay Wasiirka Sun beeraha ee Somaliland kaasi oo aan  kala garanayn geed suna iyo mid anfac u leh qaranka Somaliland.

Allow Somaliland maxaad ku saliday ilaa 1960 wax ma tara aan la mahadin  kuwaasi oo taariikhda Somaliland ku galay wax ma tarayaal Handaraabyo iyo Sun beerayaal ah sida Wasiir Seed iyo kuwo kale oo badan.

Aan u soo noqdo Maqaalka iyo dulucda uu abaaray ee waxaa mudo saddex sano ku dhawaada isku keen tusay Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed in uu soo saari doono dalag ku filan dalka  iyo duunyadda Somaliland isaga oo dhex botarinyay Bananka Ood-Wayne iyo Wajaale taasi oo dad badan oo aan ka mid ahay yiddiilo galisay iyada oo aan xataa la soo xidhiidhay oo aan u sheegay arrin aynu kula soo bixi karno biyaha Eebe jiifiyay dhulka hoostiisa kuwaasi oo inaga iyo duunyaddeenaba aynu ku badbaadi karno, waxna ku beeran karo mudo dheer iyadoo aan u soo dhiraandhiriyay ciddii farsamada iyo kharashka ku baxayaba inoogu deeqi lahayd sidii aan biyahaa dhulka hoostiisa ku jira ula soo bixi lahayn  kaliya loo baahnaa in qaab dawladeed oo somalilandnimo lagu dalbado taasi oo ku soo gabagabowday hal bacaad lagu lisay iyo ka danaysashaddii ay caanka ku ahaayeen kuwaa taladoodii Alle gacanta u galiyay Somaliland waa kuwa ay kaga soo ururtay uun ka faa’idayso intaan xilka lagaa tuurin ee aanad noqon mid dibad wareeg ah.

Waxyaabihii aan kala hadlay marar badan waxaa ka mid ahaa in hadii uu Dalku biyo inagu filan helo in aynu ka haqab beeli doonno cunto kana raysan doono Abaaraha ilaa Awoowyadeen u  le`deen sida: Siiga Case, Hawaara, Harga-Cuna,Dabo-Dheer iyo kuwa kale oo badan oo qaarna aan maqal uun ku maqlay qaarna aan u soo joogay sida Dabo-dheer iyo kuwa kale, balse haba joogto Wasiir wax beeree waxaan ku war helay uun in Wasiirku uu u tafa xaytay inuu dalag ama geedo sun ah ka beero bankii uu shalay inoo sheegayay ee Wajaale ee uu ina  lahaa cunto ayaynu ka beeri doona in shirkad aan la garanayn waxay tahay oo la yidhi waa China inay geed sun ah ka beerayso Banka Wajaale oo tallow shirkadaas ama ninkaas tuurta geedka suntan ah ku sitaa muxuu uga beeri waayay dalkii iyo meeshii uu ka soo hayaamay bal adba waa halkii Boobe Yuusuf Ducaale  “tii la maqlaana ta kale ka daran”.

Aan u mahadnaqo Muwaadin Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo ah mid aan ku amaanayo hawsha uu qabtay iyo fashilkii u ku keenay geedkan suntan ah ee laga beerayay gayiga Somaliland laakiin xukuumada Somaliland waxaa looga baahanyahay ma khusayso maqaalkan darajada uu leeyahay Xamse iyo in uu ka tirsan yahay Xisbi Mucaarid laakiin waxaa indhahayga iyo quluubtayda soo jiitay fashilka uu ku keenay isku daygaa dhicisoobay ee wasiirkii Beeraha ee Somaliland geedkaas loo yaqaan (Caster ama Ricin Communis) uma baahna Somaliland in koox China ka soo hangalaystay ka beerto geed sun ah gayiga Somaliland, laakiin waxaa looga baahanyahay in ay la timaado wax soo  saar  dhab ah ama ha hesho maalgashadayaal Caalami ah ama inaguba aynu isku tashanee.

Waxa kale oo aan jecelaan lahaa inaan iftiimiyo mee Wasiirki Maalgashiga ee Somaliland? oo ay ahayd inta aanu Wasiir Muumin Seed oo aan aqoon durugsan u lahayni faraha la galin hawshaa sun beerista Alle inaga soo gaadhay ee Muwaadin Xamse sababta uga dhigay in Wasaarada Maalgashigu baadho Shirkada ama ninka China ka soo bootaalaystay maxaan se u la yaabi waa magac u yaal Wasaarad la inoogu sheegayo oo uu waliba Wasiir ka yahay kuwii iyagoo gacanta la hayo lagala soo noqday Dulcad horaantii 90kii waxna ku bartay Dugsiyo bilaa saqaf ah oo aan aduunyada waxba ka arag oo lagu qufulay Wasiir baad tahay tilmaamo haga iyo wada shaqayn waaxyaha dawladi ka wada duusho aan lahayn  ulana kaca shay kasta sida uu doono waxaa tusaale kuugu filan Wasiir Axmed Muumin Seed oo isku rogay Wasiirkii sun beerahah Somaliland.

Somaliland dayacan Eebow cid u maqan ma jirtee u dir Xamse iyo inta Dalka gudihiisa ku nool iyo inta dibad wareega ah ee ku filiqsan dacallada dunida, laga soo bilaabo New-zealand ilaa Canada oo laga soo heli karo Muwaadiniin dalkooga jecel wax la taaban karana u qaban lahaa, iyada oo aan rajaynayo inay maalin uun taasi iman doonto oo Wasiir Muumin Seed iyo Muuse Biixi Cabdi (Handaraab) lagu badali doono kuwo dhan kasta wax uga soo saara qaranka Somaliland oo aan ahayn sun beerayaal sida Muumin seed iyo Muuse Biixi Cabdi (Hadaraab).

Qore: Cabdi Muxumed

Cabdimuhumed60@gmail.com