Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi): Boqorkii Cuudka Soomaaliyeed iyo Taariikhdiisii Fanka

 

 

Ilahay amarkii bal ila dhandhami oo ila dhuux erayadan.

“Dhabarkii adowgey
Kii laga abuurow
Naas iyo abeydimo
Kii ila wadaagow
Sideen ku ilaawaa
Ma ahaan kareysee”

Ilahay naxariisti Janno ha ka waraabiyo ha ka waraabiyo Ahmed Ismacil Xuseen oo lagu garan og yahay (Xudeydi).

1928kii ayuu ku dhashey magaalada berbera. Waxaa uu fanka ku bilaabey magaalada caddan ee dalka Yemen isagoo 18 sano jir ah waxaana uu can ku noqdey isagoo 20sano jir ah.

Macalimiintiisi fanka waxaa ka mid ahaa. Ale ha u naxariistee Cabdi Xandule Shanle oo reer burco ahaa lakiin caddan daganaa iyo Xassan Nahaari oo isna reer cadmeed ahaa.
Lakiin sobabta ku dhalisey inuu cuudka barto waxaa uu ahaa Aabihii Muusikada soomaaliyed Cabdilahi Qarshe ilahay ha u naxariistee.

Tartankiisii ugu horeyey ee fanka waxaa ku ahaa 1953 kii markii gumeystii Ingiriiska ee caddan joogey uu Tartan dhinaca fanka ah u qabtey suugaanleydii caddan joogtey oo kala ahaa Yemeni. Sudaani. Hindi iyo Somali inkasto tartanka kooxo ku hirdamayeen Xudeydi iyo cuudkiisa oo kaliya ayaa koox ahaa.

Xudeydi waxaa uu ku labisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka soomaalida markii uu kalkiisii gaadhey ee uu masraxa soo korey isaga iyo cuudkiisii cidii meeshaasi fadhidey we dareenkooda dhandhansiga dhawaqa cuudka ilahay wax ka siiyey marna isma dhaqaajin oo wey ku dheygageen dhageysigii dhawaqa cuudka.

Sidaasi ayuuna ku guuleystey isagoo wixii kooxo tartamayey kaalinta 1aad haley.

Anigu maalintasi ma joogin dunida lakiin markii uu xudeydi iiga sheekeynayey waxaa sawiranayey anigoo ka mida dadkii habeenkaasi nasiibka uheley inay ku raaxeystaan dhaqawa cuudka ka soo baxaya ee uu tumayo xudeydi maan riyooneyne malaha ruuxdeyda baa meshasi joogey garan maayo sidey maankeyga ugu dhalatey.

Markaan maqlo dhawaqa heesaha qaraamka gaarka codka Raaxeeye waxaan xasuustaa mar aan daawadey wareysi laga qaadey Cabdilahi Qarshe oo nuxurkiisu ahaa in codka raaxeeye dhageysigiisu iyo tumistiisu ku fiican tahay wakhtiga hawlaha laga nasanayo ee fiidka ilaa caweysinka danbe ee habeenkii.

Markaan intaasi ka maqley waxaan isweydiiyey sobabta xiligaasi uu heestan ugu doortey anigoon jawaab ka helin maskaxdeyda ayaa waxaa igu soo dhacdey oo Dhakhtarku markii uu ruux buka dawo u qorayo wuxuu u sheegaa xiliga ay ku haboon tahay inuu cuno dawada isagoon ka soo hormarineyn kana dib dhigeyn. Haa taasiba dood kuma jirtee maxaan han heesta raaxeeye uga fikirayaa waa in aan siduu sheegey Aabaha muusikada soomaaliyed ku dhaqmaa. Balkii ilahay waabey tahay tuu sheegey.

Codka Raaxeeye ee qiimaha intaasi leeg leh waxaa sameeyey ilahay ha u naxariistee Boqorka Cuudka Xudeydi.

Marka aan hees calaacal iyo jacayl ah maqlo waxaa maskadeyda ku soo dhaca alle ha u naxariistee Fanaankii weyna ee cumar dhuule anigoo codkii caajiibka ah iyo erayadiisa beer qaadka leh la tiicaya ayaan hadana ku dheygagaa gacantiisa cuudka uu ku tumayo ee aanad marna ka mashquuli karin markaasaan is weydiiyaa tolow dugsiga uu ku bartey tumista cuudka imisa sanadood ayuu ku jirey xagee bu se ku yaal macalinkiisu yuu ahaa in badan anigoo jawaabaha su.aalahaasi helidooda ku daaley ayuu xudeydi weydiyey intaad uu cuudka tusmistiisa ku jirtey cid aad bartey ma jirtaa. Waxaanu iigu jawaabey haa oo inta aan imika xasuusto waxaa ka mida Cumar dhuule.!!!
Rag allow miyaanu ahayn macalin laga aflaxey xudeydi ilahay ka u naxariistee

Heestaasi aan ku iba-furey qoraalkeyga waa mida kaliya ee laba qof oo walaalo oo kala fog markey dhageystaan uu midba gaarkii u dareemo jacaylka naxariista wadaagista naaska hooyo ee ay wada dhameen ka dhaxeysiiso iyagoo isku soo boholyoobaya.
Heestaasi waxaa midhaheeda iyo codkeedaba Iska leh xudeydi ilahay ha u naxariisto intaasi kuma soo koobi karayo ka sheekeynta xudeydi waa inoo qaybo kale hadii alle idmo.

 

Qalinkii Eng Maxamed Cabdiraxmaan Habane