Aragtiyuhu waa gumaro qaran hantiyo noloshiisa oo dhan ta ugu weyn, haddii qarankaasi yahay mid curdin ah (sida Soomaalilaand). Isla sidoo kale waa hadyadaha ugu weyn uguna qiimo iyo qaayo badan
ee fac kasta uu ka dhaxlo facii isaga ka horreeyay.
“Hadba kooda sarakaca/waxa sahayda uga taga/kii horee sagootiyey” Xasan Ganay.
Dhinaca kale marka aynu ka eegno hantida macnawiga ah (ashyaada), daahfuridda sayniska, abuuritaan warshadeed, iyo wixii la hal maala dhammaantood muhiimaddoodu aad bay uga hoosaysaa marka lagu dhereriyo Aragtiyaha. Dhawridda ama illaalinta arrimahaasina sidoo kale wax ay ku xidhan tahay ama ku tiirsan tahay Aragtiyaha. Haddii hanti qarameed ka dal ay burburto waxa suurtagal ah in si dhakhso ah sidoodii ama halkoodii dib loogu soo celiyo, waa se marka qarankaasi xafiday/dhawray hanti maskaxeedkooda (sida Jarmal iyo Jabaan). Hase ahaatee, haddii hanti maskaxeedku maax-dumaan oo ay qaranka u soo hadho hantida macnawiga ah, hantidaasi si dhakhso ah ayay u gudhaa, qarankaasna waxaa ku habsada faqri iyo gaajo. Dhammaan guulaha sayniseed ee hore qaran u sameeyay waa qaar dib loo yagleeli karo, loona suuro galin karo haddii aanay lumin ama aanay dayacmin hab fekerkiisu. Halka haddii ay lunto hab fekerkiisa waxsoosaareed uu si dhakhsaa u qoomameeyo, waayana daahfuridda iyo ikhtiraaqyadiisii. Sidaa darteed ugu horreyn waa mid lagama maarmaan ah daryeelidda aragtiyahu. Ku dhisnaanta aragtiyaha oo loo eegayo hab fekerka waxsoosaareed waxa la helayaa hantida ashyaada ah, ku guulaysashada daahfur sayniseed, halabuurro warshadeed iyo wixii la hal maala.
Maxaynnu uga jeednaa Aragtiyaha? Waa jiritaanka ummadda gudahooda ama dhexdooda ay ka jirto geeddi-socodka ay uga fikiraan arrimaha noloshooda la xidhiidha iyaga oo aan cidna u daba fadhiisanayn, sida in inta ugu badan ee shaksiyaadka ummaddaasi ay isticmaalaan ama adeegsadaan Macluumaadka iyo xogaha ay haystaan markii ay soo wajahaan dhacdooyinku, si ay u kala xukumaan una kalasaraan. (Qoraalkan waxa lagu daabacay Weedhsan.com) Taas macneheedu waa in ay leeyihiin fikrado, kuna dadaalaan sidii ay ugu isticmaali lahaayeen nolosha, iyaga oo si joogto ah oo guul leh u isticmaalaya fikradahaasi.
Qormadan waxaynnu ku milicsan doonnaa suugaanta halabuurka Soomaaliyeed iyo aragtiyaha dhaqaale. Wakhtiga ayaan inoo saamaxayn inaynnu midmid isku dul taagno oo u sharraxno, sidaa darteed, waxaan halkan idinkula wadaagaya tuducyada maansada iyo sida ay u waafaqsan yihiin aragtiyaha dhaqaale.
Kharashka Habboon
Dahab iyo xariir saaran
Uma baahna saantaadu
hadda silis ha xidhan maaha
Luquntana ha sudhin mahaa
Waxan uga socdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye,
Hurdo iyo Sahraay jiifka
Marka hore sariir raadi
Salli iyo furaash dayday
Saddexdaba hadaad weydo
Lama seexan kari waayo
Hadda saantu qodox maaha
Suubaantu gogol weeye,
Dharku Saadhi qudha maaha
Saylooni garan maaha
Iyo sabarandaa giiran
Mana aha surwaal biid ah
Haddaan saarku kuu diidin
Saddexqayddu ceeb maaha.
Adeegsiga suubban
Dhadhan iyo sibraar kayda
Sidig caanaheedaa leh
Badar iy sarreen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman
Wax la cuno sabiib baa ah
Nin samaystay baa faan leh
Waxaad haysataa saasa ah
Ka sokow intaan sheegay
Hadda soortu dacar maaha.
Sinnaan la’aan Dakhli (Income Inequality)
Nin bursaday hadduu jiro
Nin wax belay baa nool
Nin badsaday hadduu jiro
Ka la boobay baa qaday(Badbaado)
Maamul-xumo Dhaqaale iyo Musuqmaasuq
Laba boqol nin maaliyaddu tahay tirada loo dhiibay
Oon tacabbo baadiye lahayn tuludi waa maale
Oo toban baloodh jeexday oo tumanayoo keefa
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego.
Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan uur-xumiyo ciile
Aanadu cadliga laga tegay aabbaheed tahaye
Aargoosigiisiyo dulmigu waa isu adeere
Marka xaqa la awdaa tolnimo loo abtiriyaaye
Ammaanaa yaraatoo dadkii ways ogaal dhacaye
Nin waliba halkii lagu ogaa gurey intii tiille
Ashahaado beeniyo ribey ku istareexeene
Acmaal lama rabee hadal-tiray ku ibtiloobeene
Ilaah lagama baqo shilinka oo la arko mooyaane
Axad gaabsha lama caawiniyo kii itaal darane
Nin adduun hayaa kii kaluu alamsanaayaaye
Waa lays inkirayaa sidii maalintii Urure………
Taangiga Biyaha loo dhisiyo iyo Riigga lagu taagey
Oo shicibka oo oon latuban Toonta lagu beero
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.
Danta togan batroolkeenna waa laga tashiilaaye
Todoba mayl nin jira oo bukaan talalayoo liita
Oo inuu Xakiimka u tagiyo taakulo u baahan
Inkastuu tawaawaco ninkii khabarka soo tuuray
Misna temeshlihiyo xaafaddaa lagu tegaayaaye.
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.
Ninkii raasamaaliyo Istaaf waa isugu taale
Iyagaysku tiirsane cidkale uma tagaabane
Teelona uma dhigtaan dawlad iyo kii ka taagdarane
Ninkaan tooda waafiqin Xabsi bay ugu tabaystaane
Taqyiirteenna maaliyadda iyo tawsta bixi weydey
Waa labada qolo oo lategey waxaydun tawdeene.
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.
Iimaan-yoognimada Adduunka
dabashada atoorkiyo
qalashada ugaybkiyo
ummulraaca maqashiyo
waxa dheri olkomayaa
waa abaydinkeedii
lagu cunay amaahdoo…
Basanbaaska iyo Nabaadguurka
waxa damal abguuree
la engegey harraadkee
berkaduhu asqeeyeen
waxa lebi agoonee
ehelkiyo bahdiisii
olligii ku xeerraa
laga guray unuunkee
cidla keli ku awdalan
Noloshu waa ayaanba ayaan qadoodi iyo dheregba leh, waa beer sugid iyo dulqaad u baahan, waana hanti ay tahay in la kala kaydsado lana dhaqaaleeyo ee aanay ahayn in lagu bahaloobo, oo sidii raq dugaag helay goob keliya iyo goor keliya laga dhigin.
Ha amaahan teedoo
oogadeeda waxa yaal
ha ku urursan boobkee
oggolaansho weydii
asturkeeda mooyee
yaan ayaanku kaa noqon
furashada abguurka ah
in ka gooso mooyee
ha ku agagas dheeraan
ashkir weeye qurux badan
inannimo carteediyo
ugubkay ku tahay shay
araggay ku wacan tahay
afka laguma gaacshee
indhahana wax kaga guro
wuxu waa adduunyoo
lama sudho agtaadee
waa la aakhireeyaa. – Abwaan Hadraawi (Afkusiran)
Qanacsanaanta iyo Farxadda (Happiness and Satisfaction)
Kulligood addoomaha rabboow qaybsha kibistiiye
Qof kastoo kabtiya ama kallaha ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine
Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado – Abwaan Ismaaciil Mire
Qoolka Saboolnimada
Saboolnnimadu waxa ay la xidhiidhaa horumarka hooseeya ee raasammaalka dadka iyo kheyraadka dabiiciga ah. Horumarinta kheyraadka dabiiciga ah waxa ay ku tiirsan tahay awoodda waxsoosaar. ee dal dadkiisu ay leeyihiin. Haddii bulshadu tahay dib u socod oo aanay lahayn xirfado, farsamooyin muhindisnnimo, aqoon iyo dhaqdhaqaaq halabuurnnimo, kheyraadka dabiiciga ahi waxa ay ahaan doonaan qaar si habboon aan looga faa’iidaysan ama si khaldan loo isticmaalo.
Horumarka hooseeya ee raasammaalka dadku waa caqabadaha ugu mudan ee hor taagan horumarka dhaqaalaha ee waddankeenna. Haddii dadkeennu aanay lahayn xirfadaha iyo aqoonta muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha ee heer walba, raasammaalka dadka ee horumarkoodu hooseeyo waxay masuul ka noqonayaan in waxsoosaarka shaqaaluhu hooseeyo. Xaddidnaanta takhasusyada gaar ahaaaneed iyo caadooyinka iyo dhaqammada aan wanaagsanayn ee qaybaha bulshadu waxa ay yareeyaan waxyaabaha dhiirrigaliya guusha iyo horumarka dhaqaale.
Halabuurka suugaanta Soomaaliyeed iyo indheergaradka ummaddu arrintan marnaba iskamay indho tirin, waxaanay si xeel fogaan leh ugu nuuxnuuxsadeen sababaha keena qoolka saboolnnimda iyo siyaabaha looga bixi karo. Abwaan Cabdi Iidaan Faarax waxa uu ka mid yahay fogaan-aragga arrintaas ka hadlay. Mar uu ka hadlayay sababaha keena iyo sida looga bixi karo qoolka ama giraanta saboolnnimada, ayaa isaga oo qaab su’aaleed u dhigaya waxa uu weyddiiyay madaxdii berigaa dalka xukumaysay. Horreyso iyo danbaysa ba lama hayo wali cid si ficil ah uga jawaabtay weyddiintaas, ilaa iyo inta laga war celinayo, lana fara galinayo arrintaa abwaanku ka hadlay muddo haatan laga joogo (ku dhowaad afartan sano), wuu jirayaa faqrigu. Qoolka saboolnnimaduna waxa uu noqonayaa mid facba, faca ka danbeeya u gudbiyo.
“Biyaha tacab qasaarka u lumiyo, wabi taraar dhaafay
Ilaha dahabku wada tuullanyiyo, talaxa baatroolka
Toddobaatan jaad oo macdana, oon ninnaba taaban
Tacliin iyo farsameyga dhiman, lagaga tuujaaye
Dadkuna baylahdaa wuxu u tirin, nimay ku taallaaye
Tag xumaanta gaajadu waxay, nooga tagi weydey”– Cabdi Iidaan
Sababaha Fakhriga ama Saboolnimada
Fakhriga aabihiis waa fadhiye aad u camal yeesha
Adigoon indho la’ayn wakhtiga meel ha ku idlaynin
Ergo dira dhulkoo idil marto oo aftiyo liisanleh – Abwaan Afqallooc(Dardaaran)
Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku an banaysaane
Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye
Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane – Abwaan Afqallooc
Haddii maanku gaajaysan yahay oo ay yar tahay aqoonta loo leeyahay ama xogta laga haysto deegaanka sida kheyraadka dabeeciga ah, farsamooyinka waxsoosaar ee suurta galka ah. Xirfadaha lagama maarmaanka ah, xaaladaha iyo furaska ka jira suuqa, guusha iyo tayada dhaqaale ee dadweynuhu wax ay ahaan doontaa weli mid hoosaysa.
“Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli!”– Abwaan Hadraawi
Shaqada iyo Shaqo-la’aanta
Nimaan dhididin ma dhargo,
Nimaan shaqaysan shah waa ka xaaraan
Tabcadaa ma tuugsado
Aqoonta iyo Hantida
Adduun iyo cilmaa qaaliyee urursha maalkiina
Istiraaga oo xoolo badan seeska ku adkeeya – Abwaan Afqallooc (Dardaaran)
“Maalkaagu yuu yuu noqon
Musdanbeedka reerkiyo
Makhsinkaad u hoyatiyo
Masallaha rasuulkiyo
Ku masaajid lagu gubo”.– Ibraahin Gadhle (Mullaaxo)
Waxsoosaarka Beeraha
“Wax beerta aan barwaaqo gaadhnnee”
“Haddaan sarucu taam noqon ummadi ta akhur weeyaan
Waxbona kuuma taro raashin aad debed ka tuug taaye”– Tabaalaha Wakhtiga, 1966.
“Waxaad geliso ciiddaa dhulkana, kaaga soo go’a’e
Hadba geedki aad beerataad, goosataa abide
Girirstaad afaysaana marbaad, Gool ku qalataaye
Guuyona waxaad dhaqato baa, goonni kuu noqone
Gogashaana middaad seexataad gam’ ka doontaaye
Waxaad galabsatabaad ifkana gaar u heleysaaye
Gafna waxaad sameysaa qabriga kuugu soogeli.” – Abwaan Faarax Cawil
Tacab iyo Iskaashi
Soomaalidii hore waxay si layaableh u yaqaaneen ahmiyadda ay leeyihiin wax-wadaqabsiga, iskaashiga, qaybinta shaqada iyo takhasuska gaar ahaaneed. Tusaale ahaan bal u fiirso tuducyadan hoos ku qoran.
“Aboorkuba allay kuu dhisaa, aqallo waaweyne
Markuu ururo daartuu abyaa la ashqaraaraaye
Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene
Itifaaq la~aan laguma helo lib iyo iimaane.”– Afqallooc.
“Tabantaabaday laba gacmood, tamar ku yeeshaane
Tiska waxa laqaadaa markey, tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay, tahar ma goyseene”– Cabdillaahi Muuse Jiir.
“Haddan Turuqyadiiniyo gacmaha, la isku taageerin
Tub-caleen leh reer kuma furtaan, tagine maysaane
Tafaraaruq nimankii noqdaan, tooda bogoneyne” Cabdi Iidaan
“Gacmihii is wada kaashada shayna ku adkaane
Caqligii is wada biirsada ceel biyayn karaye”– Timacadde.
“Rag tashaday dhul waa toli karaan taako labadeede”– Abwaanka lama yaqaan!
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo, ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero
Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,”– Hadraawi.
Dhanka heesaha arrintan ka hadlaya waxaynu ka soo qaadan karnaa heestan ay qaadijirtey Daleys:
“Midigtuba miciin maleh
Hadday bidixdu maqan tahay
Waa laba mataano ah
Hawsha maamulaayee
Muruqiinna maaloo
Dhulka midho ku beeroo
Macdanta iyo dahabka
Muujiya wanaagga”
Dhanka maahmaahda iyo Murtida haddii aan jalleecno, soomaalidu waxay tidhaahdaa: Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan iyo Far kali ah fool ma dhaqdo.
Axmed Cabdillaahi Cumar “Diini”
BBA in Economics
Muqdisho, Soomaaliya
Email: diini129@gmail.com