ARADNAANTA ADEEGYADA CAAFIMAD EE GOBOLADA DALKA

UNITED STATES - CIRCA 1950s: Portrait of man with headache. (Photo by George Marks/Retrofile/Getty Images)

Sida la ogyahay Caafimadku wuxuu ka mid yahay baahiyaha aasaasiga kuwooda ugu muhiimsan, dawlad/maamul kastana wuxu ku faana siduu wax uga qabatay iyo heerka uu gaadhsiiyey, isagoo u wakiishay wasaarada caafimadka,(Ministry of Health).

Intaynaan akhristee udaadegin ujedadayda aynu isweydiino waa maxay adeeg caafimaad? adeeg caafimad waa adeeg maalinle ah,goor kasta iyo goob kastana muwaadinku u baahan yahay. Si hadaba shaqada balaadhan ee wasaaradu u hayso muwaadinkeeda ay u noqoto

mid midho dhala, wasaaradu waxay uqaybsan tahay waaxo kala gedisan oo midiba shaqo gaara ay u xilsaaran tahay. Taasi waxay sahlaysaa in masuul kasta fahmo/garto shaqadiisa, waajibadkiisa iyo sidoo kale in si dhib yar loo ogaan karo waaxdee u baahan in la xoojiyo adeegyadeeda shaqo?. wasaarad kastana waxay leedahay maamul sare oo hogaamiya (Wasiir), isaga masuul uga ah dawlada ama maamulka marka jira, waxna laga waydiiya arimaha caafimadka dalka.

Sida si la mida wasiirku waa hogaanka kowaad ee shaqaale weynaha caafimadka, wuxuuna tusaale ugu yahay hogaaminta wanaagsan iyo higsiga suuro galnimada adeegyo caafimad oo muwaadin kasta ku diirsado. wasiirku waa shakhsiga looga baahan yahay inuu soo xusho shaqaale waaxeedkiisa.mIsagoo ku xulanaaya aqoontiisa, khibradiisa iyo kartidu uleeyahay waaxdu agaasimayo, si aanay u lumin xidhiidhka wada shaqayneed ee wasaarada gudaheeda iyo adeega ay dadweynaha u haysaba.

Akhristee hadaba waxaa suaal isweydiin mudan ah haddii wasaarad caafimad oo diyaar u ah inay bulshadeeda u qabato adeeg caafimad oo dhamaystiran ay tahay ta leh astaamaha. Halkeebay wasaaradeena caafimadku dalka ugu jirta mase tahay mid haysa shaqadii looga baahna wasaarad caafimad? Xaqiiqda jawaabtu waa maya maya, waxaana marag u ah aradnaanta uu dalku ka aradan yahay adeegyada caafimadka. Waxay lumaysay oo gabi ahaanba dhinac martay nooca iyo qaabka ay u soo xulato shaqalaha waaxaha, halka laga rabay inay shaqalaha ku qaadato aqoonta uu u leeyahay waaxdu maamulayo, waxay ku xulataa qabyaalad, qof jeclaysi iyo eex.

Waxaasoo is biirsaday waxay keentay in ay gabi ahaanba istaagto shaqadii wasaarada caafimadka ee dalku, ama ay noqoto meel aan qaadi Karin masuuliyadii loo wakiishay, isla markana dalku galo aradnaan caafimad oo baahsan. Lixda waaxood ee ay ka kooban tahay wasaarada caafimadku ayaa ah lixda lugood ee ay ku dhaqaaqdo, kana dhigi kara inay si habsamiya guulaha mustaqbalka u gaadhi karto, waa haddii masuuliyiinta waaxa jooga yihiin qaar aqoon u leh shaqadoodee, waa meelo u baahan ka shaqaysiin aan u baahnayn ku shaqaysi, sidaas oo ay tahay nasiib darada jirta ayaa waxay tahay wasaaradeena qaybo badan oo ka mida shaqaala waaxeedku ma fahamsana shaqadooda.

Ka shaqaynta iyo hogaaminta laamaha caafimadku waxay u baahan yihiin shaqaale caafimad oo leh hogaamin caafimad uma baahna mid xeelad kale ku jooga, waana tan maanta wasaarada ka dhigtay fadhiidka, hawlihii adeegyada caafimadkuna noqdaan qaar la ilaabay.

Sidoo kale muwaadin waxa iyaduna wax lala yaabo ah saacadihii yara ee umada loo shaqayn lahaa, waxay ku lumaan shirar aan macno ku fadhin, isla markana aan midho dhal ahayn, waxanan odhan karaa waxa sabab u ah aqoon la’aanta iyo maamul xumada ka wasaarada ka jirta. Dalku wuxu u baahan yahay in la helo adeegyo caafimad oo gobol, degmo iyo tuula kasta gaadha. Hadaba hadaan farta ku fiiqo waaxaha ay wasaaradeenu ka aradan tahay anigoon qoraal ku soo koobi Karin dhaliilaha is huwan iyo shaqadoo qofkeedii weyda dhibtay leeyahay waxa tusaale kugu filan waaxda daryeelka caafimadka guud,(public health department).

Waxaa aad u kala fog muhiimada ay u leedahay wasaarada iyo guud ahaan caafimadka dalkaba iyo aqoon la’aanta baahsan ee haysata hogaankeeda. waa meelaha u baahna in qofka maamulkeeda qabanayaa uu yahay qof aqoontiisu dhisan tahay, waxana maanta muwaadin kasta aanu daah ka saarnayn in shakhsiyada ku magacaabani uu yahay mid aan u qalmin, aqoon ahaan. waxaas oo ayaan darra ahi waxay ina dhaxalsiiyeen in shaqadii iyo adeegyadii caafimadkuba noqdaan gabaabsi, dalka oo dhan gobol ila tuulana adeegyadii dayacmaan. guntii iyo gabo gabadii waxan ku tallin lahaa.

1. .In wasaarada caafimadku noqoto meel loogu adeego caafimadka bulshada Somaliland.

2. In shaqalaha waaxaha wasaarada dib u eegis lagu sameeyo aqoontooda iyo kartidooda hawl gudashaba.

3. In wasaaradu siyaasad cad ay ka yeelato siduu adeega caafimadku u gaadhi laha bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tulayaasha dalka.

4. In shaqalaha caafimadka lagu qaato maxaad taqaan ee aan lagu qaadan yaad tahay.

5. In wasaarada ay muhiimad u kala yeeshan adeegyada la bixinaayo iyo meelaha laga bixinaayo, taana waxaa keeni kara shaqaale aqoonteeda leh oo garanaaya halkee, goorte iyo goobte

QORE: ABDIAZIZ DAHIR SAED ( HEALTH OFFICER, MPH)

Email: cige132@gmail.com