Aqoonsiga Kala Duwanaanshaha – W/Q: C/rahmaan C/laahi Warsame

Waxqabadka Laanta socdaalka jsL waa mid mudan in bilada sharaf lagu maamuuso ma faanbaa ma farxad baa ma horumar aad ku talaabsataa ubax iyo iftiinkiyo aayihii mustaqbalka ee dalkaaga’ oo naf halaagitaan cad bada isugu guraya. ? Waa ayaan daro iyo nasiib xumo kugu habsatay” oo kugu hagaysa afaafka godka madow ee laga ala baryo himiladiyo hiigsigaad lahayd eed dharaaro iyo wakhti gaara siisayna hal baacad lagu lisay ka dhigaysa. hadii aad tahay qof ahmiyad gaara siiya daawashada iyo indho la raacida horumarkiyo quruxda ashqaraarta leh ee kaaga muuqda daafaha dunida ee dhan walba kaaga xeeran ku darso xisaabta in ay ku yimaadeen hami iyo hiigsi qof sidaada oo kale ahi uu lahaa samir iyo dadaal dabadeedna ka midho dhaliyay’ ayna ka soo unkan tay wiilal dhalin yaro ah oo u samray ciidooda hooyo’ sikasta ha ahaatee. waxay ahay 10 kii August ee sanadkan 2013 oo ku beegnayd maalin sabti ah waxan ka soo anbo baxay magaalo madaxda gobolka awdal ee boorama anigoo u jihaysan dhinacaa iyo tuulada awbare ee itoobia wuxu gaadhigu socdaba wuxu soo gaadhay tuulada goriyo cowl oo ay ku yaalan kastan cashuuraha iyo aymagareeshinka laanta socdaalka ee gobolka awdal waxanu ku badhnay am’gareeshinka oo ku yaala dhinaca bidix ee u jeeda xaga galbeed’ markaasi gaadhigii ayaanu ka dagnay anigiyo laba inamood oo ila socday iyo rakaabkii kale ee gaadhiga saarnaa iyo rakaabkii kale ee gaadhiga saarnaa. Markaasi waxa nalagu amray in aanu u baydhno maqsin yar oo ku yaalay dhinaca bidix ee aymagareeshinka markii aanu galnay qolka yar anagoo ah rakaabkii dhanaa ee gaadhiga wada saarnaa, waxa waajibaadkooda shaqo gudanaya oo midna fadhiya midka kalena sara taaganyahay laba inamood. oo xafiiska ah, markaasi midka fadhiya oo magaciisu ahaa c/raxmaan waxa horyaala buug dhan oo fayl ah oo dadka kala duwan magacda kaga qorayo iyadoo sidaasiya dadka rakaabka ahi waxay isugu jiraan waayeel yar iyo wayn” sidaas oy tahay aniga iyo labadaydii waxa nalagu yidhi fadhiista kursi dheer oo yaalay meel naga soo hor jeeday, dadkii kale ayaa la kala shaandheeyay wixii oday iyo islaan ahaa ee min kali u socday waa la fasaxay. Waa dhalinyaradii rag iyo dumar lahaaye’ waxa helay wiilkii sara taagnaade oo nin aftahan ah ahaa wuxu bilaabay gudashada waajibaadkiisa shaqo. oo ah sida waydiinta – kow waa wiil yar oo ku taagan isteel halkii ugu danbaysay sida laafyaha casriga danbe. Waa garan iyo surwaal dhajisa timaha uu sida diga oo kale u xiiran dhagaha oo xadhig ugu jiro su.aasha koowaad ee baadhista oo ah sidan:

aasha koowaad ee baadhista oo ahayd sidan S- adeero halkeed ku socotay. J- waxan u socday jig jiga oo ay xaafada yadu gasho hooyaday iyo walaalahay aabahayna wuxu joogaa jabuuti boorama oon imika ka socdana waxan galayay aqalka edaday. S- edadaa lanbarkeeda garaac oo nala hadashii. J- edaday mobil ma lahan xaafaduna layn ma laha. S- adeero wiilka yaroow ogow meesha aad joogto waa laan baadhiseed ee ha moodin garoonkii kubada lagu ciyaarayay kaftankiyo ruwaayada ka bax oo runta sheeg. hadii aanay edadaa lanbar lahayn waxad nala hadashiisaa abtigaa ama adeerka ama cidii kaa masuula. J- Ma jirto cid kale oon lanbar ka hayo, markaasi baadhihii laantu talaabadan ayuu qaaday sida tan” kaalay hebeloow wiilkan yar ii xeree inta uu sheegayo waalidkiisii ama cida ka masuula. Markaasi wiilkii yaraa wuu isyara gun-gundhiyay waxa raqabada jiiday askari oo qol loogu talagay tahriibayaasha ku xereeyay. Markale hadana waa laba hablood oo aad u da a yar. S- baadhihii laanta. Waxa tihiin hablo aad u da a yar yar ee halkeed ku socoteen miyaad tahriibaysiin. J- Mid ka mida labada hablood oo afmiishaarad ah waxanu ku soconay gabadhan s x b day ayaydeed oo dagan awbare. S- baadhihii laanta. Waxad labadiinuba ila hadashiisan waalidkiin. J- afmiishaaradii aniga reerkayagu wuxu daganyahay diridhaba saaxiibadayna waa reer lafa ciise halkan boorama-na waxan la joognay habaryartayo ee iyada lanbarkeeda aan kuu sheegee garaac waa somtel ee. S- baadhaha laanta anigu somtel ma haystee mobiladiina ka garaaca. J- Mobiladayadu waa bilaa lacag. S- baadhaha laanta keena mobiladiina, iyo sidan lanbarada ku jira mobiladiinu waa hooyo aabo ilaa adeero ee yaynaan isku ruwaayadayn ee runta ii sheega waan idiin feegar samaynayaa oo waan idin siidaynayaa ee tahriibaysaan. J- afmiishaarada adeero hadii aan runta kuu sheego aniga hoyaday way dhimatay aabahayna yurub buu jooga walaalkay iyo walaashayn

walaalkay iyo walaashayna tahriib ayay ku dhinteen, anigu waan tagayaa -markaasi markaan kalmaada gabadhu ku hadlaysay maqlay ayaa naxdin aawadeed ayay jidhi-dhico lugaha ila madaxa i qabsatay markaasi ayaa intaan halkaan fadhiyay ka soo kacay albaabka qolkii lagu waraysanayay labada hablood soo istaagay. iyadoo su.aalihi socdaan iyo waaba gabadhiyarayd oo oyaysa oo sidan leh. adeero waadigii ii balan qaaday hadaad runta sheegtaan waan idin siidaynayaa ee adeero na fasax adeero anigan kula hadlaya beerkaa i qalan oo calooshaydu way tolantay, waxad iga soo qaada walaasha ama inantaada oo kale. Su.aal baadhihii laanta aamus adiga way kaa dhantahee yarta kalaan sheegayaa adigu runta ii sheeg sida s x b daa jawaab adeero anigu waxan u socdaa jig jiga oo abtigay daganyahay, hadana tii hore hadalka la booday adeero waa beenteed aniga i rumayso labada yaduba isku wado ayaa u soconaa oo ah tahriib’ markaasi baadhihii laantu wuxu amray askarigii inuu qolka dusha kaga xidho intay waalidkoodu u imanayaan’ iyadoo sidaasa ayuu baadhihii laantu aniga far iigu yeedhay waan u tagay labadaydii s x b ee xamse iyo mustafena way iga soo daba galeen, wuxu i waydiiyay maxaad madaxa u qabsatay markaan inanta waraysanayay waxan kaga jawaabay inaan aad uga naxay kalmaday inantu ku sheegtay walaala heeda bada ku dhintay. Markaasi dabadeed wuxu na waydiiday halkeed ku socotiin waxan kaga jawaabnay awbare iyo waalidkiin ila hada shiiya waxan ku idhi saaxiib anagu niman shaqo ayaan nahay tahriibna kumaanu riyoon iyo adiga ahaan maxaad ka shaqaysa waxan kaga jawaabay waxan la shaqeeya wargaysyada madaxabanan ee hargaysa ka soo baxa iyo masuuliyiinta aan la shaqeeyo waan kula hadashiin kara’ markale hada saaxiibkay mustafe waydiintii baadhista wuxu kaga jawaabay waxan u socona anigiyo asaabtayduba awbare oon gabadh ka doonanayay. Iyagana aniga uunbay i soo raaceen, waxa la kaftamay inaankii c/raxmaan ahaa ee buuga dhan ee faylka magacdu horyaaleen. Iyo

saaxiib hadii aad u socotay in aad gabadh soo meher-sato aniga ku raacaya gaadhigana kuu kaxaynaya oo intaan inaanta kuu soo meheriyo hadana ku soo celinaya. ee marka hore adigiyo asxaabtaadu waa inaad waalidkiin nala hadashiisaan, markale hadana waa xamse saaxiibayaal tahriibku inuu sidan u qaali yahay maan moodaynbee. Sow waa hore iskama tahriibeen s x b a yaal anigu waxan ahay dilawar inbadan ka soo shaqaynayay gobolkan awdal wakhti fara badana cisbitaalka boorama ka shaqaynayay xaafadayaduna waxayba dagantahay halkan kaantaroolka agteeda, markaasi waxa nalaga qoray magacda yada oo sadexan, oo waa nala fasaxay, iyadoo sidaasa ayaa waxa soo galay agaasime waaxeed wasaarada beeraha u qaabilsan gobolka awdal oo xaajiyad cad saaran dad dhawrana la socdaan’ isagoo markaa malihiisu ahaa inaan madaxda la joojin wuxu gacmaha taag taagaba waa la soo dajiyay. markii siminaar yar oo xaga sharciga ah la siiyay ayaa la fasaxay markaasu gaadhiga koray isagoo cadho bikhdaa haya’ isku soo wada duubo waa talaabo xaga horumarka loo qaaday. oo ku dayasho iyo xusid gaara mudan.

Waabilaahi TAWFIIQ

QALINKII: XASAN M. Cismaan

email: dhoolbari1@hotmail.com

 TEL: 4788629