Aqoonsiga Kala Duwanaanshaha – W/Q: C/rahmaan C/laahi Warsame

cabdiraxmaanWaligaa ma u malaysay in lagaa saxsanaan karo? Waxan uga jeedaa aad adigu qaldami karto, qof kalena sax noqon karo.

Waligaa ma ka fikirtay in xataa qof aqoon ahaan kaa hooseeyaa uu kaa qummanaan karo? Ma aaminsanthay maahmaahda soomaaliga ah ee tidhaahda qof walba qummanihiisa qoorta u sudhan.

Miyaad ku jirtaa ragga aaminsan in aan qof dumar ah, ilma yar, qof aan aqoon lahayn iyo in kale oo badaniba aanay kaa saxsanaan Karin? Haddii aad sidaa tahay miyaad saxsantahay mise waad qaldantahay?

Haddii aad aaminsantahay in aad mar walba saxsantahay waad qaldanthay, haddii aad aaminsantahay in aad qaldami kartana waad saxsantahay.

Akhriste waxa laga yaabaa inaad ka yaabtay su’aalahan aan kugu dhaga barjeeyay, laakiin waxa xaqiiqo ah in qofku haddii aanu aqoonsanayn kala duwanaanshaha banii aadanka ee dhinacyada, Diinta, Mabda’a, fikirka, dabeecadda, midabka jinsiga iyo wixii la hal maala aanu qofku ahayn qof diinta islaamka, ilbaxnimada iyo dhaqanka soomaaliga  wax ka garnaya, haba is moodo isagu inuu sidaasi yahaye.

Ilaahay quraankiisa waxa uu ku sheegay suuratul Baqara aayadda 256 in aanay diintu qasab ahayn, in kasta oo Ilaahay qof kasta ka doonayo in uu isaga rumeeyo isaga oo nabi Muxammadna NNKHA raacaya, haddana Ilaahay SWT waxa uu suuratu Kahf ku sheegay aayadda 29aad ( qofkii doonaana ha rumeeyo qofkii doonaana ha gaaloobo, gaalada waxa aanu u diyaarinnay naar……).

Ma jiro qof fikirkiisa midi lagu gooyay, meelo badan baa lagu kala duwanaan karaa.

Mabda’ ahaan waa lagu kala duwanaan karaa, mad-hab ahaanna waa lagu kala duwanaan karaa, midab ahaanna waa lagu kala duwanaan karaa, maan ahaanna waa lagu kala duwanaan karaa, majaraha noloshana waa lagu kala duwanaan karaa, masiirka oo laga tashadana waa laga kala duwanaan karaa.

Isla saxsanaanta qofku mar walba isla saxsanyahay waxa ku jira kibir iyo isla weyni salka ku haya aqoon darri.

Dadkeenna oo u badan af-kumaal, af-miishaar iyo af-ku xoogle, marka ay isugu yimaaddaan meelaha lagu qaxweeyo waxa aad arkaysaa isaga oo qof waliba doonaya in isaga la dhagaysto, tiisuna ay mar walba saxsantahay oo ay tahay in la qaato.

Tu kaloo ka daranbaa jirtee taana bal aan sheego. Marka dadka wax garanayaa ay ka aamusaan meelaha noocaas oo kale ah iyaga oo raacaya aayaddii quraanka ahayd ee macneheedu ahaa (marka ay dadka juhalada ahi la hadlaan waxa ay ku yidhaahdaan Nabadgalyo). Dadkan aynu ka sheekaynaynnaa waxa ay moodaan in ay dooddii ku adkaadeen doqonniimo awgeed.

Haddaba akhriste maxaa kula gudboon?

Waligaa isku haysan in aad mar walba saxsantahay wixii aan diinta islaamka ahayn, waayo diinta islaamka saxnimadeeda iyo khaladkeedu kuma xidhna badnaan iyo yaraan, ee waa sida naska quraanka iyo xadiisku sheegeen uun sida saxda ahi.

Dood ha kagalin oo ha ku xiiqin wax aan adduun iyo aakhiro toona faa’iido kuu lahayn sida muranka ma dhalayska ah.

Fakir adiga maskaxdaada ka weyn ayaa laga yaabaa inuu kaa saxsanyahay ee godob ha ka gelin ,dhehna waa laga yaabaa inaad iga saxsantahay. Waayo Nabiga NNKHA ayaa Ilaahay tarbiyaddaa siiyay sida quraanka ku taalla( ku dheh gaalada, annaga amma idinka midkeen uunbaa baadi ku sugan amma hanuunsan).

Saaxiibkaa/saaxiibaddaa fikirka ha ku ceebayn waxa laga yaabaa inuu/ inay kaaba saxsantahay, aqoonso inaad kala duwantihiin, sowkii cilmi boodhari lahaa, ‘waxa caynba cayn looga dhigay ha is cajabiyeene’.

Ku dadaal in aad wax dhagaysato halkii adiga marwalba lagaa dhagaysan lahaa dadkaa ku jeclaan, oo qof waliba waxa uu hayuu kuu sheegi.

Allow adkee arrinkayaga

Allow adkee arligayaga

Allow adkee islaamnimada

Allow cisee calankayaga

Allow cisee carrigayaga

Allow cisee caqligayaga

Qalinkii C/raxmaan C/laahi Warsame

Soo saare ka tirsan Tilifiishanka Qaranka Somaliland

Hargeisa Somaliland.

cbdrxmngeni@yahoo.com