Aniga iyo sawirle Perez Anderson

Perez Anderson waxa aannu isugu soo galnay mid ka mid ah huteellada waawayn ee magaalada. Isma aannu aqoon ka hor intii aannaan isbaran. Perez, aniga oo fadhiya meel guluc ah kaliday buu ii yimid. Af Ingiriisi baannu isku fahmaynay oo ku wada hadalnay. “Miyaan ku garanayaa oo hore isu aragnay? Buu I wayediiyey. “Ma filayo” ayaan ku idhi.

Nin ay maalin hore kulmeen oo ay aad u sheekaysteen baan ula ekaaday, ma se aan ahayn. Huteelku waa uu buuxay inta uu hareeraha yara qooraansaday buu iga codsaday in uu i la fadhiisan karo. Ma dhibsane “Welcome” baan ku idhi.

Kamarad aad u wayn ayuu sitay. Koodh garbo go’an, oo jeebado badan buu xidhnaa. Siddaha kamaradda ayaa qoorta u sudhnaa oo iyana laabta ayey uga laallaadday

“Magacaygu waa Perez Anderson, adna magacaaga?” buu sheeko ku bilaabay.

“Saddaam Xuseen”, baan ku idhi. In kasta oo ay ku adkaatay in uu yahay magacayga dhabta ahi, haddana markii dambe waan ku qanciyey wallow shaki ku yara jiray.

“Dalkee baad ka timid” baan isaga oo wali indhaha taagaya ku celiyey.

Suu yidhi“USA”.

“Kuwii dilay Saddaam Xuseen?” baan ugu badheedhay jiroo aanu jeclaan ka warhaynteydaas.

Kaftan badan oo kale ka dib waxa aan waydiiyey shaqadiisa rasmiga ah. Isaga oo faraxsan buu si faan leh iigu yidhi “Suxufi sawirqaade ah baan ahay”. Maskaxdayda waxa kuu soo degdegay tuhuuno door ah iyo in aanay shaqadiisu intaas ku koobnayn, male ayuu se ku egaa.

“Degaannada Soomaalida badankooda waan tegay; Muqdisho, Jabuuti, Kismayo, Ceerigaabo, Burco iyo Hargeysa” ayuu si uu la dhacsanyahay iigu sheegay, walina raaciyey “Iyo meelo kale oo miyiyo u badan”.

“Sawirkii kuugu hawsha badnaa ee aad qaadday ma ii sheegi kartaa intii aad dhulka Soomaalida ka shaqeynaysay?” ayaan ka codsaday, si aan dadnimadiisa u sii qiimeyn karo. Waan se dareensanaa in ay adagtahay in uu si dhab ah iigu sheego dhacdooyin dhab ah.

“Waan ku tusi karaa” ayuu igu yidhi “Waayo qof fahmi kara sababta aan u qaaday baad tahay; qof aqoon leh baad tahay” ayuu igu yidhi isaga oo iga filaya in aan ammaantiisa u riyaaqo sawirka uu i tusi doonana ku ammaano.

Kamaraddii waynayd inta uu shiday, igu soo durkay ayuu soo saaray sawir naxdin badan. Ilmaha yare ee sawirnaa waa uu feedho qaawanaa. Qiyaas ahaan saddex jir baan ku qiyaasayaa. Gabadh bay ahayd surwaal yar oo wada dillaacsan xidhan. Timaha siigada cas ee bannaanka ka heshay ayaaa ciidda u ekaysiisay. Diif badani na waay ka muuqatay. Caagad biyo saxo ah bay goror ku jiray afkeeda ku foorarisay oo isku oontiraysay. Biyo saxo in aanay si na u heli Karin waan dareemay, in aanay ahayn xataa biyo saxo warshad Soomaali leedahay samaysayna waa ay ii muuqatay.

“Sawir in aan ka qaato ayaa igu adkaatay, gabadhan yar. Waan jeclaa in ay intaas igala fududaan lahayd” buu igu yidhi.  “biyaha oo ay u baahnayd baan siiyay. Intii ay cabbaysay ayaan ka durkay iyada oo aan ii jeedin meel ka durugsan baan ka qaaday sawirka; saw ma ogid in sawirrada ka qof dareenkiisu sii jeedaa ay yihiin kuwa ugu qurxda badan ee la qaado?” buu faahfaahin iyo fahamsiin isugu kay raaciyey. Dareenkaygu se kolkaas degdeg buu isku beddalay. Qof aan damiir xalan lahayn, dadnimadiisuna aad u liidato in uu yahay baa ii soo baxday. Saddex jir feedhoqaawan, harraaddan oo cadceedi hayso ninka biyo ku mashquuliyey si sawir ay diiddanayd uu uga qaato aad baan uga murugooday.

“Sawirrada yaad u qaaddaa?” baan cod dadnimada u maseyrsan ku idhi.

“Hay’ad samofal iyo wargeyso caalami ah” buu si debacsan u yidhi. Way muuqatay in uu dareemay sida aan uga xumaaday sawirka dadnimo ka baxa ah ee uu i tusay. In uu iska qoomameeyay bay u badnayd in uu sawirkaa i tusay.

Dareenkayga si uu dejiyo, wax aan jeclaado in uu ii sheego ayuu isku deyay “Tabobbarro sawirqaadista ku saabsan ayaan siiyaa dhallinyaro soomaali ah oo ay hay’adaha caalamiga ahi soo xulaan, si bilaash ah” ayuu igu dejin doonay, “Xirfaddayda in aan bulshada uga faa’ideeyo ayaan iga go’an, wali ba bulshada baahan ee Soomaaliyeed” buu ii raaciyey.

“Sawirradan oo kale kuwo qaada in aad noo tababbarto?”

“Maya, Saddaam sidaas ma aha. Qof aqoon leh baad tahay, isdeji. Dhankaas ha ka eegin, ka feker inta qof ee xirfadlayaal sawirqaade ah ee aan tababarayno qiyaas ahaan? Halkan waxa aan u imid oo keli ah in aan idin caawinno oo idiin samofalno, sidaa iila dareen Saddaam”

“Erayga ‘Samafal’ in aynu isla fahamno ayaa muhiim ah. Ma in gabadha yar ee harraaddan aad hambadaada siisay, ka dib inta ay ku jeeddo aad sawir kaga qaaddo ayey kula tahay? Samafalku waa in aad ogaato qofka ugu horrayn in uu yahay qof. Adigu ma ogtahay in ay bina Aadam tahay? Mudnaan u leh inta aad adigu qof ahaan u leedahay oo dhan? Ma oggolaan lahayd adiga oo gaajoonaya inta biyo lagu siiyo si sawir lagaaga qaato oo keli ah? Ma filaysaa in gabadhan yari si uun u oggolayd in sidan laga yeelo?”

Kolkan taxaddir buu galay ah in aan la dagaallami karo. Inta uu kamaraddiisii bakhtiistay buu qorta sudhay. Wajigiisii caddaa wada dhiigroor buu noqday. Baqe iyo munaafaqad baa shidday sidaan maleystay. Dagaal se marna kuma hammiyin. Canaanta ugu badan in aan anigu leeyahay baan dareemay, in fakaag aniga iyo inta ila midka hi banneeyeen cid kale si kale uga faa’idaysatay baan isku qanciyey.

Inankii huteelka ayaa qaansheegtii (Bill) sharaabka noo keenay. Kolkii aan bixiyey, ee uu naga dhaqaaqay buu damcday Perez in uu si farsamaysan u kaco oo salmi ah.

“Iga raalli ahow, uma jeedin in aan fadhigaaga xumeeyo. Dhowaan in aynu markale kulanno ayaan rejaynayaa” ayuu Perez iga codsaday isaga oo raba in aan fasaxo.

“Adiga ayaa mudan, aqoon baynu isweydaarsannay. Haddii aynaan maalin kale kulmin, waxa suurogal ah in aannu kulanno ardaydaada’e, nabadgelyo”

“Nabaadiino”.

 

Perez iyo anigu wali dib isumaannu arag.

Saddaam Xuseen Carab

Saddamcarab@gmail.com