Allayahoow Maxay Noqon Ninkii Awrkii Lacag Siistay ? (NINKII UCID…)

Xisbiga UCID isagaa is saxi doona ee furdaamintiisu yaanay noqon mid qabyaalad laga dhex raadiyo. Somaliland hadaynu nahay waxa iskaga keen qaldamay xusbinimadii iyo reernimadii. Waxaan arkaa mararka qaarkood dad leh “waar tolow maxaa ninkan hebel uu reerkiisu u qaban waayey”.

Qofna laba diimood inuu isku mar aaaminsanaado suuragal maaha, ee yaynaan Xusbinimo iyo reernimo isku dhex walaaqin. Markaas ilma Cali Xuseen waa Faysal iyo Jamaale ha la isu daayo, oo yaan midna eeda la saarin, waayo waa rag labadooduba han siyaasadeed leh, oo markii horena wax ku heeshi, imminkana ay u egtahay inuu midkood uu heshiis ka baxayo. Ninkii seexdaa sacii dibi dhalay.

Xaaladda u Xusbigu ku sugan yahay waxay i xasuusiyay sheekadan soo socota. Waxay la yidhi Masku aragti fiican ma laha, oo waxuu leeyahay aragti uu wax hortaagan aanu si hubaal ah u suurayn karayn (monochromatic vision). Markaas waxuu jecel yahay cunista Qorotada, laakiin qaar ka mid ah qorotooyinka dhibaato ayuu kala kulmaa; markuu afka ku qabto buu dareemaa inay tahay tii waxyeelada lahayd, oo haduu liqo wuu ku dhintaa, hadduu iska tufona wuu indho beelaa. Imminka haduu Faysal uu legdintan siyaasadeed uu ku adkaado UCID dhimatay, waayo labo jeer oo hore buu musharax Madaxweyne uu ku noqday ma gudbe, imminkana cid kale gaashaan buur la noqon mayso, oo mar danbe suuragal noqon mayso in wax lala yeesho, ilayn siyaasadu waxay u baahan tahay is aaminaad, wacad dhab ah iyo kalsooni buuxda in lagu wada dhaqmee.

Hadduu Jamaal ku adkaado oo ay Maxkamad u xukuntona, xusbigii waa indho beelayaa oo guul uu Faysal Cali waraabe kaaga danbeyeyna guul iyo wax tartan lagu geli karo toona maaha, haddii aan suuqaba la isku dilin. Markaas, UCID aynu koob iyo toban Qulwalle u akhrino.

W/Q: Cali Khadar (Cali-Kubad)