Alla Maganne; ASMARA Ayaa Ka Dhow ADDIS ABABA – W/Q: Qalinkii: A. A. Ciidle,

A. A. Ciidle“Nin Ku Yidhi Sinnaan-meyno

Adna Buri Sarrayntiisa

Sidka waad wadaagtaane

Ma sagaashan baa tiisu!!!?”

23 sannadood ka hor markii ay labadii jabhadood ee SNM iyo EPRDF oo ahaa cududihii xoreeyey dalalka Somaliland iyo Itoobiya iyo Weliba Jabhadii kale ee TPLF oo iyaduna kasoo jeedday deegaanka Eretariya kuwaas oo dhammaantood isku wada fil ahaa isla markaana hal mar wax ka beddelay siyaasadii iyo dawladihii geeska Afrika oo aan xidhiidhkoodu fiicnayn, waxaa dadweynaha aanay iyagu fiirada dheer u lahayn ged-geddoonka siyaasaddu la amakaageen weeraradii laba kaclaynta ahaa ee ay jabhaddii Eretariya dib iskaga xoreysay Itoobiyadii kale, haddana ay ku xigsiisay dawladda Yemen oo ay jasiiradda Xaniishyada kala soo goosatay, intaas kuma ay ekaan ee haddana Eretariya waxa ay dagaal saddexaad ku qaaday dawladda Jabbuuti oo ay ka qabsadeen deegaanka dumeera oo ay ilaa haatan haystaan.

Hor iyo horraanba akhriste ha yaabin oo qalad ha u arkin sababta aan qaddiyadan ugu soo qaddimay qoraalkayga, anigoon biyo dhaca nuxurkayga idiinsoo tebin. Waxaanse uga socdaa aniga fikirkayguna taageersan yahay in Eretariya ay ku sax sanayd dagaalladaa saddexan ee ay derisyadooda, waayo haddii aanay is muujin waqtigaas, waxa iman lahayd in dhulkeeda hadba waax la garoocdo oo sida Somaliland haatan lagula yaaban yahay ee la leeyahay Saaxdheer hakasoo baxaan ayuun baa xilligaasna ku dhici lahayd. lamana ogolaadeen inay xaniish iska daaye geed ay leeyahiin gaadhaan.

Somaliland waa dawlad nabada jecel tixgalinaysana sharuucda caalamiga ah, taasina waa kelmadda ilaa maanta madaxdeena aan lahayn aqoonta siyaasadeed lasoo taagan yahiin, ilaa maalintii dalkani gooni isu taagay ee uu dawladnimadiisa taabo galiyey waa kuwaas shuruucdii caalamiga ahaa ee aynu ixtiraamka u haynay godka madow inagu rideen, [ee Shalay Taleex ka baxa la yidhi, Maantana Saax-dheer, Berrina Meel kale]. Waxaana muuqata in laynagula dhaqmayo heblaayaba isheedaa lagu dhabaa haddii aynaan maalintii geedkaa Burco hadh gelin ee aynu duulaankii dalka lagu qabsaday sidiisii u wadi lahayn, maanta Garoowe oo laga qaxo mooyaane Saaxdheer Cali Khaliif kumaynaan wada hadalneen.

Waan yara taraaree haddaan u soo noqdo maqaalkayga siyaasadu maaha tiir la dhidbay oo laga dhaqaaqay ee waxay u baahan tahay dhaqdhaqaaq fara badan waxaanay isku badalaysaa sida ay isku badasho dabayshu waxaana muuqata wadamadii shalay aduunyada mustacmaradaysanayay ee reer galbeedka ahaa in waqtigii ka ag dhaqaaqay oo siyaasadoodii noqotay hal bacaad lagu lisay oo caayaysa waxay shalay amaanayeen oo taageeraysa waxay shalay diidayeen oo lagaran la’ yahay ujeedadooda waxaana ka muuqata masuuliyad la’aan siyaasadeed xaaladoodiina ku danbaysay inay noqdaan boholaha sharka.

Waxaana toos u muuqata haddaanay wadamada soo korayaa dadkooda u yeelan feejignaan in ay dhimatay kalsoonaantii caalamku isku qabi lahaa, waxaana marag ma doon ah in albaabkii reer galbeedku hagaag u xidhmay, waxaana waajib muqadas ku ah xukuumada talada dalka haysa inay waajahdo runta oo ay badasho siyaasadeedii arrimaha dibada oo ay u jahayso inta ay reer galbeedku ka xanaaqaan sida Iiraan, Ruushka, Brazil, Mexico iyo Meelo kale oo badan.

Waxaan ahay ruux fakanayoo nabaro badan qaba, oo ciddii dawayn lahaydna u haysato in loo doortay dabaal iyo tamashle aan haddana.

Gun iyo gebo-gabo waxaan is leeyahay weli ma jirto cid dawladda Itoobiya runta u sheegta Somaliland ahaan oo waxa ay rumaysteen hadaaqa ka laab la kaca ah ee reer koonfureedka, ee waxaan leeyahay Ha ogaadaan in Dadka Somaliland iyo Dalkoodu uu garab iyo gaashaanba uga yahay nacab badan oo cidla ka heli lahaa. Hadh iyo habeenba waxa Somaliland heegan ugu jirtaa sugida nabadgelyada iyo ammaanka mandaqada, waynu ka war qabnaa inta jeer ee Sanad walba ay Somaliland gacanta ku dhigtay jabhado cadow ku ah Itoobiya oo u heensaystay dagaal ay ka dhex ridaan dhulkaas. Waxa aanu kaga gudbannahay in cadaw badan oo la’aanteen aanay hurdo gama’ laden sidaas darteed waxaan leeyahay Saaxiibayaal Itoobiyaannoow nama qabato haddaanu Somalilanders-ka nahay in aad aamusnaan ku daawataan qoriga dabka leh ee Cali Khaliif sito, isla markaan si fudud afkiina uga soo baxdo wax aan dan u ahayn Somaliland iyo shacbigiisaba.

Waxaan haddaba u sheegaynaa Xukuumadda Aanu codka ku dooranay haddaanu shacbiga Somaliland nahay, Adeerrayaaloow qori nagumaydaan qabsan ee ogaada in aanu berriba idinka tashan karno haddii aydaan ku hawl galayn rabitaankayaga, waxii maanta ka dambeeyana siyaasadda xukuumadda u jahayn weydaan hadba meeshii shacabkan doortay ay dan moodaan. Danta Koowaad ee aan is leeyahay shacbigu way u baahan yihiinna waa bisayl siyaasadeed oo dawladdu ka muujiso deriskeeda, waxaan odhan lahaa xukuumaddu ha furfurto siyaasadeeda khaarijiga, wasiirkan arrimaha dibedda Somaliland ha u dirto dalka Eritariya, anigu garan kari mayo godobta aynu kala galnay innaga iyo shacbiga Asmari-ye. Waxaan sidaas u leeyahay Mar haddii aynaan danteena ka arkayn dawladda Itoobiya, ged-geddoonka siyaasaddu saaxiibtinimo joogto ah ma laha ee dan joogto ah bay leedahay, maaha in aynu u dabranaano cid aan inoo soo jeedin. Haatan iyo dan waxaan leeyahay Asmara ayaa ka dhow Addis Ababa.

Alla Mahad Leh

Qalinkii: A. A. Ciidle

Hargeysa, Somaliland