ALIF BILOW KU QALOOCDEY ALBAQRUU KU DHIBAA QORMADII LIIBAAN XAAJI FAGADHE 07/04/2013

LiibaanALIF BILOW KU QALOOCDEY ALBAQRUU KU DHIBAA

                                                                                        QORMADII LIIBAAN XAAJI FAGADHE 07/04/2013

SHIRKII LAGU BALAMEY

FALADAAN SHAACA LAGA QAADIN

SHISHE UGARANEY

HOOSAASINTII SHAADIRKA LAHEYD

SHALMIDI KOORE RAACDAYE

WAXBAAN SHEEDA KA ARKAA

(APRIL/ MAY/1988) Waa xililigii mu aamaraadka lagu wadey mijo xaabintii ururkii xornimo doonka SNM lagu bilaabey oo ay ka dambeysey beesha caalamku horseedna ka ahaayeen wadamada Carabta ,Jabuuti iyo wadamo kale oo farabadan oo caalmka ka mida.

Xiligu waa xiligii, biluhu waa bilihii, carabtu waa carabtii, hogaamiyuhu waa hogaamiyihii, shirqoolku waa shirqoolkii mashruuca shidaalku waa mashruucii hore waxa kaliya ee inagu cusubi waa Geedka Masalaha ama Darmada la dhigey ee Turkiga ,najiitadii halkaa barigaa ka soo baxay qofkastaa waa ogyahay wixii kasoo baxay.

Akhriste qormooyinkan ama baraarujintani waa dhacdooyin dhaba oo aan soo baadho waa masalooyin aan xaqiijiyey ugu na talo galey inaan ku difaaco dalkeyga, dadkeyga, qaranimadeydeena, xoriyadeena iyo aayaheena. Siyaasadan ABAAH QASKA ee Siilaanyo intaanay sal dhigin 2009 kulankii dhabarjabinta qaran ahaa ee ku dhexmarey gudoomiyii xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo oo uu weheliyo Xoghayihiisii arimaha dibada imikana ah wasiirka arimaha dibada iyo Donald payne kii haligmay oo wakhtigaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka oo wakhtigaasi alifey qorshe uu watey oo ah kan maata fulintiisii socoto iyadoo xiligaasi dowladii Daahir Riyaale ee ku qaadaceen . Bal hadaba hadaad dib ugu noqotaan Siilaanyo sadexdii hadal ee uhoreeyey ee uu jeediyey intuu xukunka hayey waxa uu ku sheegey inuu badaley siyaasadii arimaha dibada Somaliland isagoon inoocadeyn waxa uu badaley iyo halka uu u badaley waa su’aale ma dowladii Carabtaa badaley mowqifkii ay ka taagnaayeen Somaliland ? ma dowladii Masar ayaa badashey mowqifkii ay Somaliland ka taagneyd? Mise isbadalku xageenuu kayimi?.

Dhismihii wasiirada ee xukuumada siilaanyo ugu horeeyey waxa uu la magacaabey hal Safiir kaasi oo uu u magacaabey dalka Ethopia kana turjumayey sitoosa isbadalka ku yimi siyaasda arimaha dibada Somaliland, waxa kuugu xigtay Safaaradihii iyo wakiiladii aynu kulaheyn aduunka oo inkabadan kala badh ahaana kuwii ugu muhiimsanaa kana mid ahaayeen kuwii wadamada Galbeedka Africa iyo dalka South Africa oo ahaa dhamaantood dalalkii gooni usu taaga Somaliland u ololeynaayey ayaa albaabada loosoo wada xidhay .Ma wadamadaas ayaa badley mowqifkoodii mise Somaliland ayaa mowqifkeedii badashey? .

Kolka aynu intaa ka nimaadno waxa garab socotey tii gudaa laga bilaabey oo aheyd in Bulshadii la iskahorkeeno iyo kicinta shacbiga in la laabay Xeerkii Dabarka ,shirarka shirqoolada markey ka soo noqdaan waxa ay shacbiga usheegaan wax isku mida oo ah wax yaalo ay ka midyiin waanala qaabiley iyo maalgalin ,hadhimo sharafeed ayaa naloo sameeyey iyo meeqaam sare ayaa nalagu qaabiiley.

Murti maalkii Saaxiibul xigmaawi ga ahaa ee Cabdi Iidaan waa kii lahaa

SHUBAAL QURUXSAN

GAAWAHA SHAX SHAXA

SHUQUL GUBAADEEDKA

SHALAAN SHARAD KUUGU GALEY

LAASKA SHACAB KAASA

MAANTADAN INAAN KUUGU SHUBO

EE SHIFO UHOODA

HADANA SHEEKHYADII UQABEY

IYO WALIYO SHEELAA

MISNA SHARAX KITAAB KAMA AKHRIYAN

SHAD AY KU YAALAAN

WUXUU BADOWGU ISHA ALLAA KUYIDHE

SHEEG HADAAD GARATO

Waxa furmay shirar Tusbax lamoodo oo dhamaantood qarsoodi ahaa oo aynu hada uwada joogney dhamaan wadamada shirarkaa lagu qabanaayey mow qif kaliya ayey ka taagnaayeen Somaliland oo kulida gooni isutaag qaranimada,.gabagabadii akhriste dhiigii shuhaadadii xaqu dirirka ahaa maaha waxay sumad lacageed goynkarto waxaanay ku tahay gaf iyo meel kadhac ku tahey sharafta iyo milgaha umada ku shahiidey iyo kunoolba,Gobonimana waa quus ninkii goyska dhaafsadeye qormadani waxay si guud kuu iftiimineysey taxana isdabayaal ee siyaasada ABAAH QASKA ahi ay hageysey daliil waxaa kuugu filan warmurtiyadeed ay soosaareen dowladaha cadowga ku ah jiritaanka Somaliland ee gadhwadeenka ka ah shirqooladan isdaba yaal ku waas oo ay xukuumadani dhamaantood ka bixineysey xog aad uga duwan oo saaxiibtinimo rasmiya iyo xidhiidh sokeeye islamarkaana si aad iyo itaala ay utashiishey runta.

Halkan macluumaadka ka raac:

1- http://mofa.gov.ae/mofa_english/portal/4c9d204a-6043-44f5-9bf8-90974706e13e.aspx .

2- http://mofa.gov.ae/MOFA_English/portal/9899c7f1-31e0-478c-8d33-4171e67a78f6.aspx .

3- http://mofa.gov.ae/MOFA_English/portal/2cf0d647-5234-42f6-acf3-6766f1a14eb3.aspx .

4- http://mofa.gov.ae/MOFA_English/portal/6c8d288e-8322-44ce-8ee0-a62cc0076904.aspx .

5- http://www.hurriyetdailynews.com/declaration-reaffirms-respect-for-somalia.aspx?pageID=238&nID=22230&NewsCatID=456

6- http://www.mfa.gov.tr/article-by-h_e_-ahmet-davuto%C4%9Flu_-minister-of-foreign-affairs-of-turkey-published-in-h%C3%BCrriyet-daily-news-on-1-june-2012.en.mfa .

7- http://www.mfa.gov.tr/foreign-minister-davutoglu-stresses-that-turkey-will-continue-to-support-somalia.en.mfa .

SHAN SOMALIYA OO WADA SHIROO

CALAN KU SHEEKEEYA

SHILMAA LA ARKAYAA

WAA SU AAL SHARAD KAYAALAA

Qalinkii: Liibaan Xaaji Fagadhe

Libanfagadhe_1@live.com

Guul ALLA

DHAMAAD……………..