Al Nuur Faniture: Shirkad Hormood Ka ah Horumarinta Dalka iyo Wax U Qabashadda Bulshadda

Shirkadda ganacsiga ee Al Nuur Furniture oo ah shirkad wadani ah oo uu leeyahay nin muwaadin, isla markaana dalka keenta alaabooyinka guryaha la dhigto, sida Sariiraha iyo waxyaabo kale ayaa hormood ka ah shirkadaha sida weyn uga qayb qaata horumarinta dalka dhinac dhaqaale iyo mid horumarineedba.

Waxaanay shirkadda al Nuur Faniture si aad ah uga qayb qaadataa barnaamijyadda wax lagaga qabanayo horumarinta dhinaca bulshadda, sida dadka Danyarta ah oo uu caawiyo iyo goobaha ay ku jiraan carruurta Agoomaha ah, iyada oo ciid kasta ay shirkadda Al Nuur caruurta ku jirta xarunta agoomaha ee Hargaysa ay u biiso dharka ciidda.

Shirkadda wadaniga ah ee Al Nuur Faniture, ayaa sidoo kale waxay ka qayb qaadataa arrimaha dhinaca horumarinta sida wadooyinka, xarumaha caafimaadka, waxbarashadda iyo meelaha kale ee ay wax laga qabanayo ama caawimadda u baahan.

Sidoo kale Shirkadda ganacsiga ee Al Nuur Furniture, ayaa wax weyn ka qabatay dhinaca shaqo abuurka bulshadda iyada oo dad aad u badan oo kumanaan qof gaadhaya ay ka hawl galaan, waxaanay taasi muujinaysaa sida ay shirkadda Al Nuur faniture hormoodka uga tahay wax ka qabashadda camal la’aanta bulshadda haysta gaar ahaana dhalinyaradda.

Shirkadda Al Nuur Faniture ayaa sidoo kale qalabka guryaha ee ay soo dejiso waxay yihiin kuwo ay aad tayadoodu u sarayso, isla markaana qiimo aad u hooseeya kaga iibisa dadka macmiilka u ah, waxaanay bulshadda u muujisaa dabacsanaan iyo qaab ay wadaniyad ka muuqato.

Al Nuur faniture, ayaa lagu tilmaami karaa in ay tahay shiradda keliya ee waxa ay dadka ka macaashto hadana dib ugaga soo celisa, taasi oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in ay mar walba ka qayb qaadato horumarinta dalka iyo taageerida bulshadeeda, gaar ahaana kuwa danyarta ah ee u baahan gar-gaarka iyo wax u qabashadda.

Dhinaca kale shirkadda wadaniga ah ee Al Nuur Faniture, ayaa la filayaa in ay dhawaan dalka keento adeegyo aad u fiican, kuwaasi oo ay doonayso in ay u soo bandhigto bulshadeeda. Waxaana lagu wadaa in qalabkaasi ay shirkadu wado in ay dhawaan soo bandhigto in uu yahay mid ay bulshadu u riyaaqi doonto, isla markaana ay baahi weyn u qabeen helitaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee shirkadda ganacsiga wadaniga ah ee Al Nuur Faniture, ayaa ah mid kaalin weyn kaga jirta dhinacyo badan oo dhismaha iyo horumarinta dalka ah waxaanay noqonaysaa mid ay si weyn u mahadiyeen xukuumadda Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda taageeradda balaadhan ee ay mar kasta la bar-bar taagan tahay aw geed.