Abwaan Gaarriye, Kumu ahaa: (Faylasuuf& Siyaasi aan Damac lahayn) – W/Q: Adan Muuse Jibriil

Aadan Muse Jibriil
Aadan Muse Jibriil

Ugu horrayn Somali bu ahaa, Somalinimadiisuna waxay ahayd mid uu ku canqartay, waxayna uga dhinayd sidii hooyadii dhashay oo kale. Maxaa yeelay Somalinimada waxaa sal u ah af Somaliga iyo dhaqanka la xidhiidha. Hooyadii ayaa afkeeda bartay, sidaas owgeedbay Abwaan Gaarriye Somalinimadu uga dhignayd hooyadii. Afsomaliligaana ahaa midka uu ku fekero, iskuna cabiro. Sidaas oo kalena suugaanta somalida ayaa uga dhignayd huga uu huwan yahay, asaga oo aha afka keliya ee uu ku qoro suugaantiisa hodanka ah. Taas oo isla markaas ahayd badaacadda qaaliga ah ee uu asagu soo saari jirey, oo ahayd shayga keli ah ee mulkiga u leehay.
Abwaan Gaarriye, waxuu soo saari jirey suugaan hodan ah,taas oo ahayd badeecad qaali ah, hase ahaatee suuqa keliya oo sida toos  looga iibsadaa  ahaa suuqa dadka ku hadla af Somaliga. Madama uu ahaa Abwaan si toos dadweynaha ugu caddeeya waxa uu aaminsan yahay oo aan leex-leexad lagu oqoon ayaa dadweyna Somalidu guud ahaan toos ula jaan qaadi jireen; Gogol dhigiisa, godol dhiciisa iyo gunanadkiisa suugaanta. Gaarriye waxuu ahaa, sida Abwaan kasta yahay, nooca loo yaqaan shacbi (populist) oo aan dan iyo muraad toona ka lahayn waxa ay siyaasiintu jeclahan lahaayeen in uu ku sargooyo Hal-abuurka maansadiisa, in kasta oo dhamaan waxa-soo-saarkiisa maansadu ahaa mid u taagan mecnaynta xaaladaha ka taagan dunida, geeska afrika, iyo carriga Somalida nafteedaba.
Sidaas darteed, marka aynu ka hadalayno adduun-aragiisa Somalinimo iyo falsafada uu ka lahaa, waxaynu odhan karraa; Gaarriye weligii hor iyo dambayso, wuxuu Somalinimada u arkaayey dadweynaha ama Sacbiga, halka uu madaxda dawladda u arki jirey kuwo u taagan cadaadinta dadkood. Qaabkaas adduun-araga ah waxaa looyaqaan falsafad ahaan kacaanyahan ama dulmi diid. Taasaana keentay in 1982 uu ka goosto taliskii Siyaad Barre oo uu ku biiro halgankii hubaysnaa ee debedda, Maxaa yeelay waxaan suuro gal ahayn in halgganka isbeddel doonka gudaha dalka laga wado Keli talisnimadii markaas dalka ka talinaayey darteed.
Waxuu isla markaas ahaa Dimoqoraadinimada, taas oo salka ku haysay waayihii ka dhashay markii dawladihii Somaliyeed ee kala dambeeyey ay ku guuldarraysteen hanashada caddaladda. Markii hal-ku-dhegyada lixdanaadkii ee la xidhiidhey gobanimada, sida Midnimo, caddalad, horumar, iyo sinaantii daaqadda laga tuuray. Markii Musuqa, eexda, iyo qabiilaysigu uu nuxur-siibey, waddaniyadii, meeshana laga saaray wax kasta oo Somalilada ka dhexeeyey, macnihii qaranimadana uu asal ahaaba meesha ka baxday.
Gaarriye iyo Somaliland: Haddaba maxaa Abwaan Gaarriye iyo Somalilandnima ka dhexeeyey? waxa laf-dhabarka ah ee ka dhexeeyey waxuu ahaa dulmi diidnimo, caddalad jeceel, iyo u hiilinta xaq kasta oo qof bani aaddam ahi leeyahay oo laga duudsiyo. waxaa laga yaaba in dadka qaarkii u haystaan in Somalinimada iyo Somalilandnimu isku lid yihiin, laakiin Gaarriye mar aan su’aashan weydiiyey bal ila arka waxa uu iigu jawaabay, waqtigu wuxuu ahaa markii labaabulayey shirkii Carta ee Djbouti, oo dad badani u haysteen in uu mudho dal noqon doono, aniga iyo asaguse markii aan wada jir u faallaynay aanu isla qaadanay in uu ma-dhalays noqon doono, wuxuu yidhi  ” Somalilandnimadaydu maaha mid Somalinimo diid ah ee waa mid dulmi diid ah”.. waa mid dimoqoradi doona, waa mid caddaalad doona.. waxaan kale oo u arkaa in Somalia soo raaci doonto dhabada ay Somaliland qaaday sida Puntland ba ay u soo higsanayso oo ay maalinba hal tallabo ugu soo qaadayso  dhabbaha dawlad diska ee Somaliland qaaday”. Gaarriye, waxaan kale oo sii weydiiyey bal sida uu arko laba muqaddas, tan Midnimada Somaliweyn iyo tan muqaddasnimada Gooni-isu-taagga Somaliland, wuxuu yidhi ”Aftidii laga qaaday dadka reer Somaliland 2001 ee ay ku doorteen madax-bannanida ayaa ahayd muqaddas.. maxaa yeelay waxaa jira gabay Carbeed oo odhanaya ”Iradatu shacab min Iraatatu Allahi” ama doonista dadweynahu waxay ka mid doonista Ilaahay.
Hadalkan Abwaan Gaarriye waxuu inoo sheegayaa falsafad siyaasadeed oo qoto dheer. wuxuu inoo sheegayaa in waqtigan aynu ku noolahay uu yahay qatigii dimoqraadiyada, dimoqoraadyaduna tahay gogosha nabadda, degenaanshaha, horumarka iyo caddaladda. Sidaas darteena ay Somaliland hormood u tahay Somalida kale iyo dadyaega geeska Africa ba.    
Faylasuufnimada Gaarriye waxay ku jirtaa laba arrimood oo kala ah 1) in uu sii arkayey sawirka guud ee xaaladaha markaas ka taagan dunida, iyo 2) in uu iftiimin karey dhinaca taariikhda adduunku u socoto.