ABAARAHAN DHACAAYA WAA DANBIGII BINI AADAMKA WAXANA INAGU WAAJIBA TAWBAD

abaaraa dhamaanteen dalkeenii ku dhacay,jiho kaste oo aad u baxdidna waxa aad maqlaysaa qaylo dhaano iyo sawaxan,xoolihii iyo waxkastaaba way leedanyihiin,dadkiina waxa ay la ildaranyihiin dhibaatooyin haddaynu maqli jirney abaar la odhan jirey daba dheer hadda waxaan u malaynayaa inay ka darantahay abaartan dad iyo duun iyo biisay.

balaayo kuma timaado danbi mooyee ,isla balaayadana  kor loogama qaado towbad saxsan oo la yimaado mooyee wax walboo dhacaayaana waa dunnuub ka timi bini aadamka.haa

waxay ahayd wakhti ay reer beni isreal,muuse ka codsadeen inuu ilaah u waydiiyo inuu roob cirka uga keenno,dabadeedna muusa bilaabay inuu ilaah waydiisto,isla ilaahba u waxyooday nabi muuse kuna ku yidhi
muusoow roob cirka la idinkama keennayo maxaa yeelley reer benni isreal waxa ku dhex jira hal nin oo caasiya,balkawarama hadduu hal nin oo qudhaatii danbi uu sameeyey dartii cirka looga mamnuucay roob maxaad u mallayn inta caasiyiin ee nool samankeenan oo raxmadii ilaah dartood nooga mamnuucday roob cirka kasoo da’i lahaa.!!!!!!!!!!!!

nabi muuse ayaa qoomkii u sheegaya kunna odhanaya waxa idinku dhex jirra hal ninoo  caasiya waanna waajib innuu kasoo dhex baxo dadka,ninkiibaa sheekadii maqlaya dabadeed si niyada ayuu u toobad keenaya isagoona ilaah waydiisanay danbi dhaaf.

markiiba waxa soo daya roob,dadkiina way ku ray raynayaan nabi muusena  waa yaabanyhay dabadeed ilaahbuu la hadlayaa oo uu odhanayaa ilaahoow roobaad  noosoo daysay isagoo waliba ninkii caasigiina dadka ku dhex jirro markaasuu ilaah odhanayaa muusoow addoonkaygii wuu toobad keenay muuse odhanaya waxaan doonayaa inaan ogaad cidduu yahay markaasu ilaah odhanayaa waan asturay isagoo caasiyee sideebaan u fadeexadayn isagoo towbad keenay bal naxariista ilaah eegga
dhamaanteen waxa inagu waajiba inay towbad saxsna la nimaadno si  uu alle rooba inoogu keeno salaam
hamse rirash