Aan u wada Guntanno Badbaadada Da’yarteena

W/Q Xuseen Cali Nuur 

Xashiishaddu waa Maandooriye waxyeelo weyn u geysta qofka caadaysta, nolosha dadka la noolna iyo guud ahaan u ah sababaha hoos u dhaca heerka waxbarasho ee da’yarta. Sidoo kale waxa uu halis weyn ku yahay caafimaadkooda, dhaqanka bulshada iyo guud ahaan horumarka dalka.

Xashiishadu  waa Maandooriye dalkeena aad ugu fiday ama ugu fidaya. Waxana tusaale ahaan noogu filan baaxada Xashiishka ee Boolisku gacanta ku dhigay, oo uu dhawaan soo bandhigay.

Saraakiisha Ciidanka Booliska oo ka hadlay qaababka loo soo gelinayey xashiishada markay gacanta ku dhigeen, waxay nagu baraarujinaysaa in khatartiisu gaadhsiisan tahay heer haween hooyooyin ah loo adeegsaday.

Baaxadda iyo noocyada dadka la adeegsanayo waxay muujinaysaa, in dad dalka Somaliland u dhashay ay kaalin weyn ka qaadanayaan, halaagga da’yarta ee cadowgu weerarka qarsoon ku hayo. Da’yartaa oo ah lafdhabarta horumarka dalka iyo hoggaamiyeyaasha waddanka ee mustaqbalka.

Waxa haddaba isweydiin leh in qaabka cadowga isbahaystay la-dagaalankiisu u baahan yahay taageero  toos ah iyo mid dadban oo gacan xoogle lagu siiyo Ciidanka Booliska, oo ku ammaanan hawsha ay hayaan.

Xashiishaddu way ka raad xun tahay waxyeeladeedu balwadaha kala duwan ee kale ee la yaqaano, hase ahaatee waxay iska shabahaan waxyeeladoodu meelaha qaar.

Waxa lagu lumiyaa wakhti badan helitaankooda, waxaanay seejiyaan qofka wakhtiguu ugu shaqeyn lahaa nolosha adduunyo iyo aakhiraba.

Waxay sababaan in qofka caadaystaa uu nolosha ka dhaco, inuu iloobo daryeelka qoyska, carruurtu nadayacanto. Waxaan aragnaa in dhaqamo aan hore loo arki jirin ay soo ifbaxayaan. Kuwaasi oo loo nisbaynayo Xashiishada iyo Khamriga. Waxa loo baahan yahay:

Waxa loo baahan yahay la dagaalanka Xashiishada iyo Khamriguba ay culimadu ka lahaato qorshe ay kaga hortagayaan, kuna wacyigelinayaan shacbiga. Wacyigelintaas oo joogto ah lagu qabto Masaajidyada lagana baahiyo warbaahinta guud iyo baraha bulshadaba.

Xashiishaddu waxbarashada waxyeellada ay u geysato waxa ka mid ah heerka waxgarad ee ardayga oo ay hoos u dhigto, xasuusta oo ay ka lumiso iyo isdhexgalka ardayda kale oo ay ka yareyso. Sidaas darteed, waxa loo baahan yahay in dugsiyada laga bilaabo  wacyigelin ku saabsan khatarta Xashiishadda; iyo saaxiib la noqoshada dadka isticmaala.

Bahda Caafimaadka waxa looga baahan yahay in waxyeelada Xashiishaddu u leedahay caafimaadka, jidhka iyo Maskaxdaba uga wacyigeliyaan raadka ay ku yeelan karto Xashiishaddu qofka isticmaala.

In dambiyada kala duwan ee ka dhasha isticmaalka Xashiishada oo Maandooriye ah- laga ilaaliyo u raadinta xal dhaqameed, loona adkeeyo dhaqan gelinta waxayn ka qabto shareecada iyo sharciguba.

Waalidku wuxuu ka qaadan karaa kaalin weyn suulinta Xashiishada iyo Maandooriyeyaasha kale, haddii ay  si joogto ah ula socdaan arrimaha ku saabsan nolosha iyo dhaqanka ubadkooda.  Waxaanay ku garan karaan in ilmahoodu bilaabay isticmaalka Xashiishada isbeddelka ka muuqda. Kaasi oo ah deganaansho la’aan ka muuqata, hadallada oo isdhaaf ah, nooca saaxiibadiisa iyo isbeddelka qaab dhaqanka marka uu guriga joogo.

Waxaan leeyahay maadaama dhalliyaradu ayn yihiin lafdhabarta dalka, xooga ugu badan ee horumarinta, cadowguna bartilmaameed ka dhiganayo inay gurmadka guud ay horseed u noqdaan siday naftooda iyo da’yarta kale uga badbaadin lahaayeen Xashiishada.