26 JUNE: MAALINTII LUNTAY – Qalinkii: Khaalid Cabdilaahi Ducaale

khaalidTaariikh da’ weynoo, 
Degmadeenu leedahay,
Aan idiin dul-xaadshee, 
Lixdankii dadkaygoow,
Markaad Dawladnimadii, 
Diiqada u bixiseen,
Degdegsiinyo mooyee, 
Doqonniimo ma ahayn,
Manaydaan denbaabine, 
Shanta kala dab-raacdaa,
Dermo qudha ah u gogosheen, 
Isku-duubnideenniyo,
Daacad baw horseeddeen, 
Geeluba hadduu dido,
Duq baa loo hoggaanshaa,

Sida aad ka dareemaysida tixdaa maansada ee abwaankii weynaa ee ale haw naxariistee uu tiriyay Abwaan ibraahim Gadhle.

Waxaa maalinta 26 june ay tahay maalin dhaman umadda reer Soomaaliland meel kasta oo joogaan ku weyn, balse, waayo waa maalin u ah farxada iyo murugo.

Waa maalintii ay umadda reer Soomaaliland heshay xoriyadoodi ay muddo badan ay u soo halgamayeen, taas oo ay u horeen wax badan,  Oo ay ka qaateen gumaystihii Ingiriiska.

Waxaa umadda reer Soomaaliland ay mudo badan ku taamaysaya, in mar uu isku timaado shanta Soomaliyeed, ee gumaystuhu kale qaybigiay ee kale ahaa,  dhulkii faransiisku gumaysan jiray ee hada loo yaqaano Jabuuti, dhulkii talyaaniga uu gumaysan jiray ee Koonfurta Soomaaliya, labada dhul ee hada ka mid ah dalalka Itoobiya iyo Kiinaya. Waxaa habigaa ahaa in la helo Soomaali weyn.

Waxaa umada reer Soomaaliland ay qaadeen  dawladnimadoodi, iyagoo horsedaya in ay timaado taasi balse waxa dhacday in niyada samidii iyo wanaag raadintii ay wadeen mar laba helin dhigood ee ay filayeen, waxaa maalinta isku badashay maalin kale oo ay sii galeen gumaysi kale, waxaa taasi horseeda in Umadda reer ay bilaabaan halgan hor leh oo ay ku soo dhicinyaan xoriyadoodi.

Waxaa halgankaasi noqoday mid keenay in lagu waayo mood iyo nool badan. Taasi oo ilaa hada umadda reer Soomaaliland ay ku jiraa  sidii ay ugu soo kaban lahayeen.

Waxaa ilaa hada umaada reer Somaliland la halgamaysaa dhibaatadii ka soo gaadhaya maalintaa, iyo sida u lumiyeen dawladnimadoodi, waxaa ilaa had baadi goob ugu jiraan, sidii ay ugu mid noqon lahaayen Caalamka, oo ay u heli lahaayeen madaxbanaanidooda.

Ugu danbayntii waxaa u soo jeedin lahaa in bulshada reer soomaaliland, in ay ilaashadaan  madaxbanaanidooda, meel ugu soo wada jeestaan wixii wiiqaya nidaamka dawladnimo.

QALINKII: AQOONYAHAN KHAALID CABDILAAHI DUCAALE

TEL: 00256 (0) 792349325

TWITTER: @KHDualeh

WWW.KHDUALEH.BLOGSPOT.COM

 KAMPALA, UGANDA