Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Bilaabmeen Wada-hadalada U Dhexeeyay Khaatumo

Hargeysa  (SL.Post)  Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa sheegay inuu si rasmi ah u furmay wadahadaladii u dhexeeyay wefti ka socday Xukuumadda iyo xubno ka tirsan Khaatumo.

 

Cadaani

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiir Cadaani oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay inay wadahadalkani ku yimi ka dib markii hogaamiyaha Khaatumo aqbalay gogol nabadeed Madaxweynaha Somaliland u fidiyay bulshada degta bariga Somaliland gaar ahaan Sool iyo Buuhoodle.

 

 

 

“Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed  Siilaanyo  wuxuu wadahadaladan u saaray guddi qaran  oo ka kooban Wasiirro iyo madaxdhaqameed, go’aanka uu qaatay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah mid geesinimo ku dheehan tahay, waanu soo dhaweynaynaa  haddaanu nahay Xukuumadda Somaliland waanan ku bogaadinaynaa inay garteen isaga iyo saaxiibadiiba inay dadkiisu yihiin dad reer Somaliland ah. Waligoodna ay ahaayeen dad reer Somaliland maantana ay yihiin  oo berito iyo caalamkani  inta uu jiro ay yihiin dad reer Somaliland ah.” ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cadaani

 

 

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Ummaddan wada dhalatay ee xigaalka ah ee isku Abtiga ah, ee xididka ah ee wada nool oo dantooduna ay ku jirto wada noolaashaha iyo nabadda, wadahadaladani waxay daba joogaan  gogoshii Madaxweynaha Somaliland uu u fidiyay Dhulbahante weyne ayna ka jawaabeen beelaha Dhulbahante oo ay ka mid yihiin beelaha Maxamuud Garaad, shirarkii ka dhacay deegaanka  Awr-goobays iyo shirkii ka dhacay Adhic-cadeeye ee Maxamuud Garaad ay kaga jawaabeen gogoshii kuna aqbaleen. Inay Somaliland ka mid yihiin waxna la qaybsanayaan.” ayuu yidhi Wasiir Cadaani

 

 

 

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland mawqifkiisu yahay sidii ay Somaliland u midoobi lahayd, waxaanu yidhi “Waxa Madaxweynaha  Somaliland iyo Xukuumaddiisa ka go’an in qarankani uu ahaado mid is haysta oo aan kala qob-qobnayn, maadaama oo ay dad wada dhashay yihiin  oo dhaqan, wadanoolaasho, xididnimo iyo saaxiibtinimo intaba ay ka dhaxayso uu noqdo INSHA ALLAH. Madaxweynaha Somaliland marka uu xilkiisu dhamaado dal is haysta oo mid ah inuu ka tago.”

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa