Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqaday In Cafis Loo Fidiyay Siyaasiyiinta Somaliland Ee Xilalka Ka Haya Somalia

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani), ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo cafis u fidiyey siyaasiyiinta aaminsan mabda’a Soomaaliweyn.

 

 

 

 

 

 

Wasiir Cadaani oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay in ay Xukuumadd ahaan siyaasiyiinta ka noqda mawqifkooda Soomaaliweyn ay ka taageerayaan  Gaadiidka ay ku imanayaan Somaliland.

 

 

 

“Waxaanu adduunka, Somaaliya iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ee Xamar joogana u sheegaynaa  mustaqabalku wuxuu ku jiraa Somaliland, horumarku wuxuu ku jiraa Somaliland, nabadda iyo wada jirku wuxuu ku jiraa Somaliland . Dal dhamaystiran oo waxa la kala tabanayo si cadaalad ah looga wadahadalayo waxay ku jirtaa Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland

 

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo   uu cafis balaadhan u fidinayaa oo bilaa shuruud ah u fidinayaa, cid alaale iyo cida siyaasiyiinta Somaliland ee Soomaaliya joogta ee maanta ogaaday in aan Somaaliya waxba u oolin . Wixii  Gaadiid ah ee taakulayn ahna, hadday Gadiid tahay iyo hadday tahay diyaarad tahayba ay dawladda Somaliland diyaar ula tahay .” ayuu yidhi Wasiir Cadaani

 

 

 

Wasiir Cadaani, waxa uu intaas ku daray  “Waxaan ku cel-celinayaa waa cafis balaadhan oo bilaa shuruud ah, walaalahayaga ka qiirooday ee fahmay maanta  inaan Soomaaliya waxba u oolin  ee maanta gartay. Waxaanu leenaya diyaar garooba oo dawladiinii oo qalbi furan iyo niyad wanaagsan idinku soo dhaweynaysaa.”

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

Somalilandpost.Hargeysa