Madaxdhaqameed Qaadacay Wada-hadalada Xukuumadda Somaliland Iyo Khaatumo

Sool  (SL.Post) Qaar ka mid ah Madaxdhaqameed ka soo jeeda Sool iyo Koonfurta Sanaag, ayaa qaadacay wadahadalada u bilaabmay Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanay ku tilmaamay in xubnaha Khaatumo u matalaya wadaxaajoodkan aanay ka turjumayn masiirkooda.

 

 

 

 

“Dhumay waxaan ku joognaa lix xubnood oo waxgarad ah, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Ugaas Cabdilaahi Ciise, dibadda ayay xaalado caafimaad ugu maqan yihiin, waana la xidhiidhnay oo mawqifkaas ayay nala qaateen, sidoo kale Boqor Cabdillaahi Axmed Cali iyo Garaad Maxamuud Mashqare Dalka ayay joogaan, balse goobta ayay ka maqan yihiin fikirkaasna waa nala qabaan.” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan.

 

 

 

Mar la weydiiyay sababta ay u qaadaceen wadahadalkan, waxay ku jawaabeen “Ma ahan arrin aan la soconay, mana aha mid aan wax ka ognaha. Mida kale ma jirto cid bulshada afkeeda ku hadli karta oo iyadoo aan laga tashan iskeed wax u maamulan karta.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa