“Garanayo Waxa Shakiga Loo Gelinayo Doorashadu Inay Dhacayso” Cabdillaahi-jawaan

Hargeysa  (SL.Post) La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland Cabdillaahi  Cumar (Jawaan) oo hadda ah la taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Doorashooyinka, ayaa in aanay jirin Sabab dib u dhigi karta Doorashada Madaxtooyada ee ku muddeysan bisha March, 2017-ka.

maxresdefault

Cabdilaahi Jawaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Diidmada Beesha Caalamku ka muujisay in la kala qaado Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaanu tilmaamay in Somaliland tahay Qaran u Madax-bannaan hawlihiisa.

“Waxa Shakiga loo gelinayo Doorashadu inay dhacayso Anigu ma garanayo, Waayo? Waakii Madaxweynuhu sheegay oo way dhaceysaa, wax baajinayaana Aniga iima muuqato.”

La taliyaha Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Somaliland qabsatay Hawlo badan oo aan Beesha Caalamku ku lug-yeelan, sidaa daraadeedna aan xilligan waxba looga baahnayn hadday diidaan Gacanta ay ka geystaan Doorashooyinka Somaliland, “Waxaynu qabanay Aftidii Dastuurka, Beesha Caalamka waxba gacan kamay geysanin, waxaynu qabanay Doorashadii Golayaasha deegaanka, Beesha Caalamku waxba gacan kamay geysanin, waxaynu qabanay Doorashadii Madaxtooyada, Beesha Caalamku waxba gacan kamay geysanin, intaas oo dhan Beesha Caalamku waxba kamay qabanin oo Somaliland baa wadday. Beesha Caalamku waxay Gacan geysteen Doorashadii baarlamaanka, waayo? Waxaanu wakhtigaa goosanay Maaddaama oo aynu qabanay Aftidii Dastuurka lagu ansixiyey iyo Doorashadii Goleyaasha deegaanka oo Culays badani innagu dhacay inaynu Gacan weydiisanno Dawladaha Qaadhaanka bixiya, way naga caawiyaan, sidaas ayaanu ku qabanay doorashadii Golaha Wakiillada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Imika Qabashada Doorashada iyo Dib u dhigisteedaba Anigaa Qaran ah oo u Madax-bannaan, xilkaasina wuxuu saaran yahay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, markaa Doorashadaasi markii ILAAHAY uga talo-galay ayay dhaceysaa.”

 

 

 

Somalilandpost.net