Dugsi Ku yaala Deegaan ka Tirsan Somaliland oo Ardaydiisu wax ku bartaan Geedaha hoostooda

Lughaya (SLpost)- Deegaanka Riigga-kawlale oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal, ayaan lahayn haba yaraatee aanu ka dhisnayn dugsi waxbararasho,iyada oo ardaydu wax-ku-barato geedaha hoostooda.

Todobaatan ardayda oo isugu jira fasallada koowaad ilaa shannaad tuulada Riigga-kawlale, ayaa waxabarashada ku qaata geedo qudhac ah hoostooda meel ku taala duleedka tuulada, waxaanay kuraasi u ah daadasao iyo caagado ay xaafadahooda ka soo qaataan.

geed hoostii (4)Maamulka, macalimiinta iyo xubno ka mid ah waalidiinta ardayda oo ka hadlayey munaasibad ay kula wareegeen labaataneeyo miis iyo kursi oo jaaliyadaha dibaddu ugu taboruceen, ayaa ka deyriyey xaaladda ardaydaasi ku sugan yihiin oo ay ku tilmaameen mid fadeexad iyo ceeb ku ah wasaaradda waxbarashada oo sida ay sheegeen tiraba dhowr jeer ballan-qaadyo u samaysay.

“Halkani waa fasalka Koowaad oo Shan iyo toban Arday ah, waxa fadhiya fasalka Shanaad. Waxaanu weynay inaanu helno waabab ku filan, sidaasaan ugu qaybinnay geedaha Hoostooda. Sabuuradahana marka la raxawayo xaggaa magaalada ayaanu sii geynaa, marka la soo geliyona waanu keennaa, sidaasaanu ugu kala qaybinnaa maadaama ay shan qaybood u kala qayb-samaan ardaydu,” sidaa waxa yidhi macalin ka ka mid ah macalimiinta dugsigaas oo ardayda dhexdoda ugu warramayey wariye ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan.

geed hoostii (3)“Wakhtigii xagaagu maadaama uu soo galayo, ardaydu inta badan way harraadaan, oo way arooraan oo dibba-bay ugu noqdaan tuulada, kolley way iska dhibaato badan tahay haddana sidii aanu wax u gaadhsiin karno uunbaanu wax u wadnaa,”sidaas ayuu yidhi macalinkan oo hadalkiisa sii watay.

Mar la weydiiyey in wasaaradda waxbarashadu ka war-hayso xaaladda Ardayda wax ku barata geedaha hoostooda, waxa uu yidhi, “Wasaaraddu way na soo martay, wixii aanu xog haynay waanu u gudbinnay, waxa jira macalimiin bilaa mushahar ah oo tabaruc ku shaqaysa, sidaa darteed waanu u qornay oo way qaateen, ardaydana waanu u sheegnay tirakoobkoodii.”

Mar la weydiiyey macalinkan inay wax ballan-qaad ah oo dhisme dugsi ku saabsan inay wasaaradda waxbarashada ka hayaan, waxa uu ku jawaabay, “Hay’adda World Vision ayay noo sheegeen inay dhisi doonto dugsiga sannadkii hore, markaa ilaa sannadkii hore ballan-qaadkaa yar baanu haynaa,” ayuu yidhi baraha dugsigan ardayda wax loogu geedaha hoostooda.

Waalidiinta Ardayda oo qaarkood halkaas ka hadlayeen, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in muddo shan sanno ku dhow ardaydaasi geedaha hoostooda wax ku bartaan, iyadaoo wasaaradda Waxabrashaduna ka war-hayso.

geed hoostii (1)“Waxa wasaaradda waxbarashada nasiib-darro ku ah oo wax wali la arkay aan ahayn, todobaatan arday oo geed qudhac ah hoos fadhiya, iyadoo la arko meelo dhisan oo Siddeed-siddeed fasal oo cidi wax ku dhigan oo xoolo lagu xereeyana waddanka waa lagu arkay, sidaasi darteed waxaanu leenahay wasiirradda waxbarashada dhulku waa wada Somaliland,” sidaa wax yidhi mid ka mid ah waalidiinta ardayda dugsiga.

Waalidkan oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaas ku daray, “Tuulada Riigga Kawlale shan sannadood oo iskuul lagu dhigo, geed qudhac ah hoostii bay fadhiyaan, maalin kastana waa lagu maraa. Waxaan leeyahay ardaydaas geedka qudhaca hoos-fadhida, idinkana magac-xumo ayay idinku tahay, annaga maskaxdayada si kale ayay wax u gelinaysaaye, ardaydaas iskuul usoo dhis.”

geed hoostii (2)Maamulaha dugsiga Tuulada Riigga-kawlale ee ardaydu wax ku bartaan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu wax ku dhiganaa geedo qudhac ah, waxaanu ku fadhisanaa oo noo kuraasi ah caagado iyo daasado, kolley mustaqbal baanu gaadhaynaa uunbaanu haynaa laakiin waanu rejaynaynaa wakhtiga Eebbe na soo gaadhsiiyo.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Ciddii aanu wax ka heli karno, hadday Jaaliyado tahay, hadday hay’ado tahay iyo hadday dawlad tahayba waanu ka codsanaynaa inay iskuulka noo dhisaan oo ay geedahaas naga hoos dhaqaajiyaan, shan ilaa lix sanno uunbaanu geed hoos fadhinnaa.”

SOMALILANDPOST.NET