“CAWKE: Wuxuu Ahaa Tiir Naga Baxay Oo La Tebi Doono” Guddoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland SOA 

HARGEISA(SLpost ) — Guddoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Association (SOA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-janaale), ayaa ku tilmaamay inay maanta oo Salaasa ah u ahayd Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Somaliland Maalin midow, isla markaana ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Weriye Axmed Xasan Cawke oo saaka Geeriyooday.

“Aniga oo ku hadlaya Magacayga, iyo kan Mareegaha Somaliland SOA, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Waxgaradkii,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada,aniga oo ka tacsiyadeynaya geerida ku timi Alle ha u naxairrste Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo saaka ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

Waxaan maqlay geerida Marxuumka saaka subaxnimadii, waan jidhiidhicooday, oo si weyn ayay Ii saameysay geerida Maxamed Xasan Cawke oo aanu ahayn saaxib, saxaafaddana aan kaga dayan jirey sida uu u tebiyo barnaamijyada,  markaan maqlo codkiisa macaana waan ku raaxeysan jirey.

Marxuumku waxa uu nin farxaana oo sheeko baddan, oo dad jecel, markastana ay wejigiisa ay ka muuqato furfurnaan iyo bashaashnimo, inkasta oo aanu aadamuhu qofka ifka baaqi ku noqonayn, hadana saxaafadda Soomaalida waxay u ahayd maalin madow. Waxaana ka baxay tiir ka mida tiirarkii ugu adkaa Saxaafadda.

Alle ha u naxariiste Axmed Xasan Cawke waxa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka soo qaatay ka midho dhalinta saxaafadda Soomaaliyeed, waxa si gaara loo tebi doonaa Barnaamijyadii uu sida gaarka ah u curin jirey.

Marxuum Cawke waxa uu ahaa Suxufi ay dadku jecel yihiin,isaguna dad jecel.”

Alle ha u naxariiste Weriye Axmed Xasan Cawke wuxuu ku dhashay magaalada Tog-wajaale oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Somaliland kala qaybiya, wuxuuna ahaa 73-jir; isagoo Radio Muqdisho ku biiray sannadkii 1972-kii illaa burburkiina wuxuu Weriye ka ahaa Warbaahinta Qaranka qaybaheeda kala duwan sida; TV-ga Qaranka oo uu markii dambe ka hawlgalay; isagoo ahaa afhayeenka madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Sannadkii 1996-kii ayuu ka mid noqday Weriyayaasha idaacda BBC-da laanta Af-Soomaaliga, kaddibna wuxuuu ku biiray VOA–da laanta Afka Soomaaliga. marka la eego Warbaahinta muuqaalka (TV-ga) marka laga reebo TV-gii hore ee dalka uu lahaa, sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey telefishinnada gaarka loo leeyahay sida; Raad TV, Universal TV, Horn-Cable TV iyo Somaliland National TV.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa lagu soo booday xalay 1:30 habeennimo, isagoo aan wax xanuun ah qabin, waxaana la dhigay Cusbitaalka Jigjiga halkaasoo oo uu ku geeriday,Wuxuuna ahaa suxufi ruug-caddaa ah oo saxaafadda si aad ah u yaqaannay.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka uga tagay lix Carruur ah, kuwaasoo saddex ka mid ah ay u dhashay Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo ahayd suxufiyad ay isla shaqeyn jireen muddo aad u fog, saddexda kalena waxaa u dhalay haween kale.

 

Mustafe Jannaale- Guddoomiyaha Midawga Mareegaha Somaliland (SOA)