Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqday In Laga Noqdo Go’aanka Uu Dib Ugu Dhigay Doorashooyinka

Hargeysa  (SL.Post) Beesha caalamka ee taageerta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqday inuu ka noqdo go’aanka uu doonayo inuu ku kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka, dib na ugu dhigo doorashada baarlamaanka.

 

 

1-103-150x150

 

War-murtiyeed culus oo ay soo saartay dawladda Ingiriiska oo ka wakiil ah Maraykanka, Denmark, Midowga Yurub, Sweden iyo Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay ku sheegeen in talaabada madaxweyne Siilaanyo dhaawacayso wada shaqayntii Somaliland iyo caalamka.

 

War-murtiyeedka oo laga soo saaray xafiiska dawladda Ingiriiska ee Somaliland, wuxuu u dhignaa sidan “Beesha Caalamku waxa ay aad uga walaacsan tahay go’aanka uu madaxweynaha Somaliland doorashadii baarlamankadib uga riixay xilligeedii ahaa March 2017. Dib u dhigistan aan wax kallifayaa jirin waxa ay dhaawaci doontaa kalsoonidii dadka Somaliland iyo duniduba ku qabeen hannaanka dimuqraadiyadaynta Somaliland, waxa aanay  cawaaqib ku yeelanaysaa wada-shaqayntii beesha caalamku la’ lahayd Somaliland.

 

Dib-u-dhigista doorashada waxaa lagu dhawaaqay iyada oo aan lagu salayn sees sharci ama dastuuri ah oo cad, iyo iyada oo uu jiro xukunkii guddoomiyaha maxkamadda sare ee ahaa in doorashada madaxweynaha iyo baarlamanku wada jir u qabsoomaan bisha March. Dadka Somaliland waxa ay iyaga oo tiro badan safaf ugu galeen in ay isu diiwaangeliyaan codaynta labada doorasho, waxa aanay xaq u leeyihiin in ay fishaan in loo ogolaan doono in ay codeeyaan.

 

Beesha caalamku taageerada laxaadka leh ee ay ku bixisay hannaanka doorashadu waxa ay ku salaysnayd in Somaliland waqtigiisa fulinayso wacadkeeda ah doorashooyinka la isku waafaqay ee madaxweynaha iyo baarlamanka.  hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee qarka u saaran in ay guul ku dhammaato ayaa jaangoynaysa jadwal cad oo ah in bisha March 2017ka la galo doorashada, taas oo aynaan waxba ka beddeli karin.

 

Deeq-bixiyeyaashu waxa ay si mug leh u maalgeliyeen diyaarinta doorashooyinka, mana doonayaan in ay arkaan wacadkaas la isku ogaa oo lagu wiiqay laguna dhaawacay dib u dhac doorasho oo joogto ah. Beesha caalamku ma’ awoodi doonto in ay maalgeliso, kharashaadka dheeraadka ah ee ka dhalan doona dib u dhigista doorashooyinka baarlamaanka, taas oo culayskeedu annaga oo ka xun uu dusha ka fuuli doono dadka Somaliland.

 

Beesha caalamku waxa ay la jirtaa in dib-u-heshiisiinta Somaliland ay tahay arrin muhiim ah. Waxa aanu madaxweynahana ugu baaqaynaa in uu sida ugu dhaqsaha badan u dejiyo geeddi socod cad oo leh jadwal loo raacayo, si loo helo nidaam saami-qaybsi oo caddaalad ah iyo metalaad siyaaasi ah oo dadka Somaliland oo dhami ku yeeshaan baarlamankooda. Waxa se’ aanu mar kale ku celinaynaa in doorashada baarlamanka oo waqti go’an ku dhacdaa aanay weli caqabad ku noqonayn hawsha saami-qaysbiga iyo geeddi-socodka nabadaynta, sidaa awgeed waxa aanu ku boorrinaynaa madaxweynaha Somaliland in uu dib u ugu noqdo go’aankiisa, oo uu doorashada madaxweynaha iyo baarlamanka wada jir u qabto bisha March 2017ka.”

 

 

 

 

Somalilandpost.net