Weriye Axmed CabdiNuur oo ku geeriyooday London

 

London (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Axmed Cabdi Nuur oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Ruug-caddaaga ah ee ka shaqayn jiray Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay xaqiijiyeen Xubno ka tirsan qoyskiisa.

Allah ha u naxariistee Axmed Cabdinuur ayaa Idaacadda BBC-da ku biiray bishii June ee sanadkii 1996, xilligaas oo uu noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fadhiistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan usoo wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Allah ha u naxariistee Axmed Cabdi Nuur, ayaa idaacadda BBC Somali u shaqaynayey muddo ku dhow 25 Sanno.

Si aad uga bogato, Taariikh-nololeedkii iyo Waraysiyo uu Marxuumku kaga hadlay sooyaalkiisa shaqo, guji halkan.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net