Garoowe (SL.Post) Wasiirkii Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaarda warfaafinta maamul gobolkeedka Puntland.
Maxamuud Xasan Soocade waxa uu iscasilaadiisa ku tilmaamay mid shaqsiyadeed iyo arrimo isaga u gaar ah, isagoo meesha ka saaray khilaaf u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyne Gaas.
“Iscasilaadayda madaxweynaha ayaan maanta u geeyay, waana ii iga aqbalay runtii, madaxweynaha warqad qoraal ah ayaan u geeyay oo ku saabsanayd iscasilaadayda, kuma imaan runtii colaad iyo xumaana anniga madaxweynaha iyo xukuumadda ka dhaxaysa ma jirto. waa arrin anniga uu gaar ah” ayuu yidhi Soocade.
Somalilandpost.net