Wasiirka Arrimaha Dibadda UK Oo Qorshaha Aqoonsiga Somaliland Hordhigaya Ra’iisal-wasaare Rishi Sunak

London (SLpost)- Ilo xogo-gaal ah oo laga helay dublomaasiyiin reer Galbeed ah, ayaa tibaaxay in wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK uu dhawaan warbixin ka siin doono Ra’iisal wasaare Rishi Sunak Qorshaha Aqoonsiga Somaliland, xilli ay sii xoogaysanayso Xiisadda ka aloosan Gobolka Badda Cas, sida ay qortay warbaahinta dalka Ingiriiska.

Hirgelinta qorshahan ayaa lagu jaan-gooyey, xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Ingiriiska oo mawqifkiisu miisaan weyn ku leeyahay qaabaynta aragtida caalamiga ah ee ku aaddan madax-bannaanida Somaliland.

Dowladda Ingiriiska ayaa u muuqata inay ku hawlan tahay heshiiskii is-afgarad ee Somaliland dhawaan la gashay Itoobiya oo falan-qeeyayaasha siyaasaddu ku tilmaameen fursad ay Dowladda UK muddo badan sugaysay.

Somalilandpost.net