Somaliland Oo Ka Hadashay Jawaab Xasan Sheekh Ka Cadhaysiisay Oo Ethiopia Ugu Quus-goysay Somalia

Jeddah (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay sababaha dowladda Soomalaiya ku kallifay inay xidhiidhka dubloomaasiyeed u goyso dalka Ethiopia.

Wasiir Maxamed Kaahin oo socdaal ku jooga dalka Sucuudi Carabiya oo uu u tagay gudashada Cumrada, ayaa kulan uu jaaliyadda Somaliland la qaatay kaga hadlay shuruudo dowladda Ethiopia kaga jawaabtay dalabaad dowladda Soomaaliya u bandhigtay, kaas oo liddi ku ah heshiiska is-faham ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Ethiopia ku war-gelisay Soomaaliya inaanay u baahnayn isticmaalka Deked ku taalla Badweynta Hindiya, balse ay u baahan tahay deked ku taalla xeebaha Gacanka Cadceed ama Badda Cas.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose