Somaliland iyo Imaaraadka Carabta Oo Ka Wada-hadlay Hirgelinta Maalgeshi Cusub Oo Muhiim Ah

Dubia (SLpost)- Dowladaha Somaliland iyo Imaaraadku ayaa toddobaadkan ka wada-hadlay qorsheyaal hor leh oo dalka ganacsatada iyo Dowladda Imaaraadka u suurta-galinaya inay maalgeshi ku sameeyaan kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo macdanta.

Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Cabdilaahi Faarax Cabdi ayaa Socdaal ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, waxaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Sheekh Saud bin Sar al Qassimi oo ah Amiirka Xukuma Imaaradda Ras al-Khayma oo ka mid ah Toddobada Imaaradood ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ka kooban yahay.

Wasiirka oo uu wehelinayo la-taliyihiisa gaarka ah Ibraahim Cali Yuusuf iyo masuuliyiinta Imaaraadka, ayaa ka wada-hadlay qodobbo muhiim ah oo la xidhiidha maalgashiga dhinaca tamarta iyo macdanta iyo sidii ay Somaliland ganacsatada iyo Dowladda dalkaas ugu soo bandhigi lahayd fursadaha maalgashi ee dhinacyadan.

Wasiirka oo lagu Soo dhaweynayo Qasriga Madaxtooyada ee Imaaradda Ras Al Kheymah

Sheekh Saud bin Sar al Qassimi oo ah xubin ka tirsan Golaha Sare ee majaraha u haya talada dalka Imaaraadka Carabta, ayaa soo dhaweeyey qorshaha Xukuumadda Somaliland maalgeshiga ugu raadinayso ka-faa’idaysiga kheyraadka ku duugan Somaliland, waxaanu ballan-qaaday inay Somaliland u soo diri doonaan wefti Dowladda iyo ganacsatada Imaaraadka ka kooban oo indho-indhayn ku samayn doona meelaha ku habboon maalgeshiga kheyraadka Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net