Somaliland: Wasiir Loo Dhaariyey Xubinimada Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii Wasaaradda Maalgeshiga iyo Horumarinta Wershadaha ee Somaliland, Marwo Aamina Cilmi Fariid, ayaa maanta loo dhaariyey xubin ka mid ah Mudaneyaasha golaha Wakiillada ee Somaliland.

Marwo Aamina Cilmi Fariid oo ka hor intii aan Xilka Wasiirka Loo Magacaabin Isu-sharraxday Doorashadii Golaha Wakiillada ee sannadkii 2021-dii ka qabsoontay dalka, ayaa buuxisay Booska Allah ha u naxariistee Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed oo 19-kii April, 2023 ku geeriyooday Cusbitaal u yaalla magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia oo xaalad caafimaad loogu qaaday.

Xildhibaanka Geeriyooday ayaa ka mid ahaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Gobolka Awdal uga soo baxay Xisbiga UCID, waxaana sida ku xusan natiijadii Guddiga Doorashooyinku ka soo saareen Doorashadii golaha Wakiillada ee sannadkii 2021-dii sugaha Koowaad ee Xisbiga UCID oo Ahayd Marwo Aamiina Cilmi Fariid Badeed Oo 23-kii November 2022-kii madaxweynaha Somaliland u magacaabay Xilka Wasiirka Maalgeshiga iyo Horumarinta Dekedaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu maanta si rasmi ah xilka Kursiga Golaha Wakiillada ugu dhaariyey Marwo Aamiina Cilmi Fariid kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranku 30-dii April 2023 Maxkamadda Sare u soo gudbiyey Codsi ay ku dalbadeen in Xikaas loo dhaariyo Marwo Aamina Fariid.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa dhaarta kaddib xildhibaanka cusub kula dardaarmay in ay qaranka daacadnimo ugu adeegto, waxaanu ugu duceeyey in Allah u fududeeyo masuuliyadda la saaray.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu buuxiyo Xilka Wasiirka Maalgeshiga oo bannaanaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net