Madaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis Sameeyey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Arbacada maanta magacaabay masuuliyiin cusub, kuwo horena xilka ka qaaday.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com maanta, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu xilka ka qaaday Xeer-ilaaliyihii guud ee Somaliland iyo Wasiirkii Maalgeshiga, halka uu beddelkoodana u magacaabay laba masuul oo midi Gabadh tahay.

Wareegtada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiinka mida Xukuumadda.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Xasan Axmed Aadan, Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka

Mudane, Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.

2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.

Mudane,

Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka

Wareegto Madaxweyne: Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;

1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayuu ku yidhi Wareegtadiisa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.