Somaliland: Sanduuq Dhaqaale oo loo sameeyey Dadka Xannuunka Dhimirka qaba

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Sanduuq dhaqaale oo u gaar ah u samaysay Dadka Qaba Xannuunka Dhimirka ee ku nool gudaha dalka, kaas oo ay maamulkiisa gacanta ku hayn doonaan guddi gaar ah oo loo samaynayo.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo maanta Golaha Wakiillada horgeeyey Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, ayaa halkaas ka sheegay inay miisaaniyadda sannadka dambe ku dareen Sanduuq u gaar ah dadka qaba xannuunka Dhimirka, kaas oo dhaqaalaha ku soo dhaca wax lagaga qaban-doono adeegyada goobaha iyo cusbitaallada lagu daryeello Dadka Maskaxda ka xannuusanaya.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in dhaqaalaha sanduuqaasi ka iman doono Cashuur loogu daray Alaabaha la soo mariyo Kastamka Cashuuraha ee Kala-baydh ee galbeedka gobolka Gabiley.

“Waxa aanu sannadkan ku soo darnay in la sameeyo sanduuq dadka dhimirka qaba u gaar ah oo leh guddi u gaar ah oo maamusha. Lacagtuna waxay ka imanaysaa 200 Shilin oo loo saari doono Kiiloo kasta oo yimaadda Kastanka Kalabaydh,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Sacad oo Golaha Wakiillada ka hor akhriyey Warbixinta odoroska Miisaaniyad-sannadeed 2021 ee Somaliland oo la filayo inay boqolkii Saddex ka badato miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net