Somaliland oo looga digay Duullaan Siyaasadeed oo uga yimaadda Shiinaha oo soo dhexmara Kooxo Mucaarad ah

Taipei (SLpost) – Todobaadkii hore Warbaahinta Shiinaha, ayaa baahisay War ay ku sheegayso in Dawladda Taiwan jid khaldan u marayso inay sii xoojiso xidhiidhka diblumaasiyasadeed ee ay la leedahay Somaliland.

Wargeyska Global Times oo ku hadla Afka Dowladda Shiinaha, ayaa sheegay in Taiwan ay lacago laaluush ah siisay Siyaasiyiinta Somaliland, arrintaasi oo meel ka dhac ku ah Sumcadda Taiwan ee dunida Dimuqraadiga ah.

Laakiin, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan, ayaa cambaaraysay Wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha, kaasi oo faafiyey wararkaasi oo ay ku sheegtay inay been abuur yihiin.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan  Joanne Ou oo War-saxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay inaan waxba ka jirin Warka uu baahiyey Global Times ee sheegaya in Taiwan laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland, balse markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyadooda dublamaasiyadeed ay labada dawladood bilaabeen mashaariic iskaashi oo daah-furan, sida Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka Somaliland, sida ay sheegtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan Joanne Ou, waxay sheegtay in War-bixinta Global Times tahay been-abuur isla-markaana looga gol leeyahay waxay ugu yeedhay “Carqaladayn lagu sumeynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan”, waxayna ku baaqday in laga fogaado Wararka uu qoray Global Times.

Somaliland iyo Taiwan ayaa si wada-jir ah jawaab ficil ah uga bixiyey warbixintaas, waxaana kulan laba geesood ah khadka internetka oo Maqal iyo Muuqaal ah dhexmaray Wasiirrada Arrimaha Dibadda labada waddan oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan labada wasaaradood.

Hase-yeeshee, War-bixin dabagal ah oo uu warkaa hore ka dib ay qortay Warbaahinta New Bloom Magazine, ayaa lagu sheegay in qorsheyaasha uu Shiinuhu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu intaa ka sii badan karo, suurto-galna tahay inuu Tallaabo muuqata qaado.

Warbaahinta New Bloom Magazine, ayaa War-bixinta dabagalka ee ay qortay ku tidhi: “Waxa kale oo laga yaabaa in dawladda Shiinuhu qaado tallaabooyin kale oo looga golleeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka ay Taiwan la leedahay Somaliland, Tallaabooyinkaasi waxa ka mid ah in la isku dayo in lagu qasbo Soomaaliya tallaabo ka dhan ah Somaliland iyo in Shiinuhu carqaladaynta Somaliland u soo maro xidhiidh uu la sameeyo Kooxaha Mucaaradka ah”.

Warbaahinta Bloommag oo War-bixinteeda ku xustay in qorsheyaasha Shiinaha ee uu ku carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ay intaas ka badan karaan iyagoo xeelado kale xambaarsan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net