Arrimaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Wasiirradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Taiwan

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa caddeeyey in dowladda Dowladda Taiwan tahay saaxiib muhiiim oo ah Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay caalamka isla markaana aanu xidhiidhka labada waddan saamayn doonin cadaadis dibadda kaga yimaddda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Essa Kayd Maxamuud Raagsaale, ayaa Arbacadii shalay hadalkan ka sheegay kulan maqal iyo muuqaal ah oo khadka internetka ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu oo uu wehelinayey ku-xigeenka wasaaradda Alexander Tah-Ray Yu oo ku sugan caasimadda Taipei.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu waxa uu Somaliland ku hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu qabsoontay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo bishii May ee sannadkan ka qabsoontay dalka, taas oo ku tilmaamay inay tusaale fiican u noqotay dimuqraadiyadda gobolka. Mr Wu waxa uu sidoo kale shegay inay sii wadi-doonaan iskaashiga labada dal mustaqbalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan waxa uu intaas ku daray inay dowlad ahaan sii-wadi doonaan taageerada dhinaca dimuqraadiyadda Somaliland isla markaana ay kala shaqayn doonaan la dagaallanka aafada cudurka Covid-19.

Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan kulanka ka ballan-qaaday in dalkiisu gacan ka geysan doono kor u qaadista iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada tamarta, isgaadhsiinta, beeraha iyo adeegyada caafimaadka.

Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Essa Keyd ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Taiwan taageerada ay u fidisay Somaliland intii lagu gudo-jiray saamaynta Cudurka Covid-19, waxaanu sheegay in Taiwan tahay saaxiib muhiim ah oo Somaliland leedahay maadaama labada waddan isaga mid yihiin dhinacyada horumarinta dimuqraadiyadda, xoriyadda iyo Xuquuqda aadamaha.

“Go’aanka Somaliland qaadatay ee ah inay sii waddo xoojinta xidhiidhka labada waddan ma saamayn doono cadaadis kasta oo dibadda kaga yimaadda,” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Essa Keyd.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, waxa ay tilmaantay in xidhiidhka labada waddan kor u kacay isla markaana isku dhawaaday tan iyo markii xadhigga laga jaray xafiisyada matalaya labada dal sannadkii hore. Waxa kale oo ay sheegay in Ka sokow mashaariic iskaashi oo is-daba jog ah oo la hirgeliyey, ay haddana labada waddan bishii June ee sannadkan kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo dhinaca horumarinta caafimaadka ah.

Wasaaraddu waxa ay caddeysay in dowladda Taiwan dhawaan u soo dirayso Somaliland khubaro dhinaca caafimaad ah oo ka qayb-qaadan doona horumarinta adeegyada caafimaadka ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net