Shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Berri Furmaya iyo Farriinta Hoggaanka Xisbiga

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa Arbacada Berri oo ku beegan 28-ka October ka furmaya Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya qaraaradii ka soo baxay shirweynihii 4aad ee xisbiga Kulmiye oo lagu jideeyey in muddo bil gudaheed ah lagu qabto shirka Golaha Dhexe oo ay hore u shaaciyeen xilliga uu qabsoomayo, uu maanta Berri ah ka furmayo hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, waxaa uu sheegay inaanay wax ergooyin ah ahi ka qayb-gali doonin shirka oo uu gaar u yahay oo kaliya xubnaha Golaha Dhexe ee lagu doortay shirweynihii 4aad ee ku jira Liiskii u dambeeyey ee lagu shaaciyey Xubnaha Golaha Dhexe.

Waxa uu Guddoomiyuhu ku war-geliyey Xubnaha golaha Dhexe ee aan wali qaadan kaadhka Aqoonsiga ay u doontaan Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiyaha

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net