Maxkamadda Racfaanta Togdheer oo Go’aan ka soo saartay Xukunka Nin loo Haysto Kufsi iyo Dil loo geystay Marxuumad Ugbaad Cali

 

Burco (SLpost)- Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer, ayaa go’aan ka soo saartay xukun Maxkamadda gobolka Togdheer ku ridday eedaysane Sakariye Cabdi Yuusuf oo lagu helay inuu Bishii October ee Sannadkan dil iyo kufsi u geystay Marxuumad lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdilaahi.

Dhegaysiga Dawcadda oo saaka ka bilaabmatay Maxkamadda Racfaanka gobolka Togdheer kaddib markii qoyska iyo Qareenka u doodayey Eedaysanuhu racfaan ka qaateen xukun dil ay oo Maxkamadda gobolka Togdheer ku ridday, ayaa gunaanadkeedii waxa ay Maxkamadda Racfaanka Gobolku go’aamisay inay Ayiddo oo aan waxba laga beddelin xukunkii hore loogu riday eedaysanaha.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Sheekh Barre Isaxaaq Barre, ayaa markii fadhiga dhegaysiga dacwaddu soo idlaaday faahfaahin ka bixiyey go’aanka maxkamaddu gaadhay, waxaanu sheegay in Maxkamadda oo tixraacaysa Qur’aanka Kariimka ah, Qodobbada Xeerka Ciqaabka iyo Dastuurka JSL ay soo saartay in dil toogasho ah lagu xukumay gacan-ku-dhiigle Sakariye Cabdi Yuusuf.

Haddaba, waxaanu Muuqaalka Hoose idinku soo gudbinaynaa go’aanka Xukunka uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer

Gacan-ku-dhiigle Sakariye, ayaa markii u horeysay la horgeeyey maxkamadda Gobolka Togdheer oo dacwadda Kiiskiisa dhegaysatay 25-kii bishii October ee 2020, waxaanay markii dambe Maxkamaddu ku riday xukun dil toogasho ah, kaddib markii maxkamadda la horkeenay caddeymo iyo markhaatiyo muujinaya inuu falkaas geystay.

Allah ha u naxariistee Marxuum Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, ayaa sidoo kale ahayd ardayad wax ka baran jirtay Jaamacadda magaalada Burco, waxaana horaantii bishii October falkan kufsiga u geystay Sakariye Cabdi Yuusuf, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehellada la dhashay Marxuumadda oo warbaahinta la hadlay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo 19-kii October 2020-ka ka qayb-galay xaflad loo qabtay arday ka qalin-jabisay Jaamacadda Burco, ayaa amar ku siiyey bahda garsoorka inay dadajiyaan go’aanka kiiska kurfsiga iyo dilka ah ee loo geystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, waxaanu Md Muuse Biixi ballan-qaaday inuu si dhakhso ah u fulin doonto go’aanka maxkamaddu ka soo saarto kiiska marka uu soo gaadho.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net