Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Kiiska Haweenay Kufsi iyo Dil loogu Geystay Burco

 

Burco (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa maanta ka oo Ka qayb galay xafladda qalin-jabinta Dufcaddii 10aad ee Jaamacada Burco.

Madaxweynaha oo munaasibada khudbad ka jeediyey ayaa ka hadlay Kiiskii dilka ahaa ee lagu kacay Allah ha u naxariistee Marxuumad Ugbaad Cali oo ahayd hooyo saddex carruur ah haysatay, kana mid ahayd ardayda Jaamacadda Burco.

Waxa uu madaxweynuhu hay’adaha Garsoorka ku amray inay si deg-deg ah u dhammaystiraan kiiska gacan-ku-dhiiglaha dilka gabadha geystay oo ciidammada ammaanka gacanta ugu jira.

“Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa, gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa Jaamacadda Burco, gaar ahaan haweenka, dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda,”

Waxaanan farayaa hay’adaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo, ballana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho,” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.