Madaxweyne Siilaanyo oo mar kale ku celiyey inay xukuumaddiisu Wax ka qabatay Garsoorka iyadoo dad badan cadaalad-darro u xidhan yihiin

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ayaa mar kale xusay in xukuumaddiisu wax weyn ka qabatay cadaaladda iyo Garsoorka iyada oo dad badan oo magan u ah hadhka cadaaladda xukuumaddiisa ay xabsiyada dalka ugu jiraan iyada oo aan maxkamad la hor keenin.

Madaxweynuhu waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyey Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo maanta ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigii uu xisbigiisu ololaha ku jiray ballan-qaaday inuu wax-weyn ka qabanayo cadaaladda iyo Garsoorka isla markaan waxyaabihii lagu doortay ay ka mid ahaayeen, waxa uu khudbaddiisa maanta ku xusay inay xukuumaddiisu iyadoo fulinaysa barnaamijkii Xisbiga ay sameeyeen kulan ballaadhan oo ay ku daraasadaynayaan cadaaladda iyo garsoorka dalka, waxaana ka mid ah khudbaddii madaxweynaha, “Sidii ku xusnayd barnaamijkii xisbiga, xal u helida garsoorka iyo sugidda caddaalada, waxaanu qabanay kulan ballaadhan oo lagaga dooday isla markaana daraasad lagu sameeyay xaaladda caddaalada iyo garsoorka dalka, kulankaas oo ay u dhammaayeen, Gudida Caddaalada, Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada, Xeer-ilaalinta, Culimada, madaxdhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka tari karaan. Anagoo ka shidaal qaadanayna wixii kasoo baxay cilmi-baadhistaa, waxaanu wax wayn ka qabanay nidaamkii garsoorka ee dalka.”

Hadalkan Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya wakhti ay xabsiyada dalka ku xidhan yihiin dad badan oo aan loo xalaaleyn Xadhiggooda kuwaas oo ay ka mid yihiin Boqor Cismaan Buur-madow, Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsanaa oo u xidhan eedo musuq-maasuq kuwaas oo ay ka mid yihiin Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Wasaaradda dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid, oo saddexdooduba maxkamad la’aan xabsiga ugu jira muddo bil iyo dheeraad ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net