Madaxweynaha Somaliland oo shirkadda DP World kala hadlay Furitaanka Wejiga 1aad ee Dhismaha Dekedda Berbera

Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World.jpg

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda shirkadda DP World oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha shirkadaas Suldan Axmed Bin Suleyman.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, kulanka waxa lagaga wada-hadlay dar-dargelinta mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera oo uu ugu horreeyo qaban-qaabada furitaanka wejiga 1aad ee mashruuca oo la dhammaystiray iyo bilowga wejiga 2aad ee dhismaha dekedda Berbera.

Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Suleyman.

Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaadhayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera.

Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World

Waxaana kulankaa si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka waddada Berbera Corridor iyo balaadhinteeda, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay casriyeynta iyo hawl-fudaydinta kastamada Berbera iyo Tog-wajaale, allaabooyinka isaga gooshaya dekeda Berbera iyo dalalka geeska Afrika, si xawliga ay ku baxayaan u noqdo mid dhakhso badan, suura-galna ka dhigi kara horumarka la doonayo in looga faa’iido bulshada ku dhaqan qaarada Afrika.

Kulankaas oo ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirada wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno ka mida boodhka dekeda Berbera.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World
Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World
Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World
Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World
Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net