Itoobiya iyo Hindiya Oo Kala Saxeexanaya Heshiis Dhanka Difaaca ah

Ethiopia and india defense pact
Ethiopia and india defense pact

Addis Ababa (SLpost)- Hindiya iyo Itoobiya, ayaa qarka u saran dhammeystirka heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, kaasoo looga ujeeddadiisu tahay in kor loogu qaado awoodda ciidamada Itoobiya iyadoo loo marayo tababar iyo taageero dhaqaale labadaba.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Hindiya, Demeke Atnafu, ayaa xaqiijiyay in dhammeystirka heshiiskan la filayo kaddib doorashooyinka guud ee Hindiya oo la filayo inay dalkaas ka qabsoomaan dhammaadka bisha April iyo horaanta bisha May ee Sannadkan.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta Ethiopia, Danjire Demeke Atnafu waxa uu sheegay in heshiiskani ka dhashay wadahadallo u socday labada waddan iyo xoojinta qorsheyaal lagaga dhawaaqay shirwaynihii isbahaysiga BRICS ee Sannadkii hore.

Waxa uu sheegay in Heshiiskani ku dhisan yahay iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada waddan, iyadoo dalka Hindiya door muhiim ah ku lahaa aasaasida Akademiyada Ciidamada ee Harar 1950-meeyadii.

Hindisahan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay istaraatiijiyad ballaadhan oo Hindiya ku doonayso inay ku xoojiso iskaashiga difaaca ee guud ahaan Afrika, iyadoo u maraysa Maalgelin dhinaca gaashaan-dhigga ah, waxaanay Hindiya hiigsanaysaa inay sare u qaaddo ammaanka gobolka iyo xidhiidh adag oo dhexmara waddamada Afrika.

Marka laga yimaaddo  iskaashiga difaaca, Dalalka Hindiya iyo Itoobiya, ayaa sidoo kale ku hawlan sahaminta fursadaha iskaashiga kaabayaasha dhinaca tiknoolajiyada, kuwaas oo ay ku jiraan samaynta nidaam maaliyadeed oo lagu midaysan yahay, kaas oo la tartamaya nidaamka maaliyadda ee reer Galbeedka.

Waddamo ay ka mid yihiin Ethiopia, Masar iyo Sucuudiga, ayaa dhawaan ku biiray Xubnaha dalalka ku midoobay isbahaysiga BRICS oo Markii hore ka koobnaa dalalka Braziil, Russia, India, China iyo South Africa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net