Human Rights Watch Oo cambaaraysay Go’aanka Sii-deynta Madaxweynihii hore ee DDS Itoobiya

“Human Rights Watch waxay aaminsan tahay Sii-deynta Cabdi Illey ay tahay fariin ah in isla xisaabtan la’aanta ay weli ku sii badan tahay Itoobiya”

New York (SLpost)- Hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa dhaleeceysay go’aanka dowladda Itoobiya ay ku laashay dhammaan eedeymihii loo haystay iyo sii deynta madaxweynihii hore ee DDS Cabdi Maxamuud Cumar “Cabdi Illey”, kaasoo Khamiistii lasoo dhaafay laga sii daayay xabsiga uu xidhnaa in ka badan shan sano.

Hay’adda HRW ayaa ku andacoonaysa in tallaabadan ay dib u dhac weyn ku tahay la dagaallanka isla xisaabtan la’aanta dambiyada ay geystaan madaxda sare ee dalka Ethiopia.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Human Rights Watch, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ahaa aasaasaha iyo taliyaha guud ee bixin jiray awaamiirtii ay u hawl-gali jireen ciidamada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ee loo yaqaanno “Liyuu Boolis” muddadii uu xilka madaxweynenimo ee Deegaanka ka ahaa sannadihii 2010 ilaa 2018.

Hay’addu waxay ku eedaysay Ciidamada Liyuu Boolis inay mas’uul ka ahaayeen xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan dilal sharci darro ah, jidh-dil iyo kufsi.

Siday HRW sheegtay, dacwaddii lagu soo oogay Cabdi Illey waxa laashay Wasaaradda Cadaaladda ee Itoobiya, waxaana go’aankaas lagu sababeeyey iyadoo loo eegayo danta guud.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sanadkii 2018 Cabdi Illey u xidhay inuu geystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo hurinta colaado isir iyo diin ku salaysan ka jiray deegaanka Soomaalida. Sannadkii 2019-kii waxa lagu oogay doorkii uu ku lahaa maalmihii ugu dambeeyay ee uu xafiiska joogay oo ay kooxo dhalinyaro Soomaali ah oo isaga daacad u ah oo weeraray dad aan Soomaali ahayn oo ku sugnaa xuduudka dowlad-deegaanka Oromada.

Si kastaba ha ahaatee, Human Rights Watch ayaa ku andacoonaysa inaanay Dowladda Federaalka Ethiopia ay ka gaabiyeen inay ku soo oogaan dacwado la xidhiidha dambiyadii uu galay sideeddii sano ee uu xukunka hayay.

Human Rights Watch waa ay ugu baaqday dowladda Federaalka Itoobiya in ay ka laabato go’aankeeda oo ay muujiso sida ay uga go’an tahay in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada halista ah.

Gebo-gabadii, hay’adda Human Rights Watch oo waxa ay ku doodday inay urur ahaan aaminsan tahay in go’aanka lagu sii daayey ex-madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ay tahay farriin muujinaysa in isla xisaabtan la’aantu weli ku sii badan tahay dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net