Hargeysa: Dowladaha Somaliland iyo Ethiopia Oo Ka Shiray Xoojinta Iskaashiga Amniga Labada Waddan

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Dr Rooble Muuse Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qayb-sanaha Arrimaha Ciidamada (Military Attaché) ee Safaaradda Ethiopia Ku Leedahay Hargeysa oo ay weheliyaan Saraakiil kale oo Ciidan.

War kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ujeeddada kulanku ahayd mid la xoojinayo sii Xoojinta Iskaashiga Amniga labada waddan.

Ma jirto faahfaahin intaas dheer oo Xukuumaddu ka soo saartay Kulanka Wasiirka Gaashaaniga Somaliland iyo Saraakiisha Ethiopia, haseyeeshee kulankan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dedaallo lagu dardargelinayo koboca iskaashi ee dhinacyada Amniga, Dublomaasiyadda, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha oo labadii bilood ee u dambeeyey isbeddel weyni ku yimi.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa horaantii sannadkan kala saxeexday heshiis is-afgarad oo wax weyn ka beddelay siyaasadda gobolka Geeska Afrika.

Heshiiska Is-afgarad ayaa Ethiopia u oggolaanaya inay xeebaha Somaliland ka hesho marin-badeed saldhig u noqda Ciidamadeeda Badda halka dhinaca Somaliland heshiiskani fursad u siinayo inay Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia noqoto Dalkii u horeeyey ee si Rasmi ah u Aqoonsada Madax-bannaanida Somaliland.