Ethiopia oo Golaha Ammaanka Horgeysay Heshiiska is-faham ee Dhexmaray Somaliland

New York (SLpost)- Dowladda Ethiopia, ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay hor-gaysay Heshiiska Is-faham ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland.

Warqad ku taariikheysan 26 January, 2024 oo uu ku saxeexan yahay Wasiirul-dowladaha Arrimaha Dibadda Ethiopia, Mesganu Arga, ayaa lagu faahfaahiyey muhiimadda heshiiskani u leeyahay Ethiopia iyo sida uu sharci ahaan u waafaqsan yahay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah.

Waraaqda ayaa lagu socodsiiyey Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ahna Safiirka dalka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, danjire Nicolas de Rivière, oo bishan January haya xilka wareegtada ah ee madaxweynaha Golaha Ammaanka.

Dalka Faransiiska ayaa ka mid ah waddamada reer Galbeedka ee xidhiidhka soke la leh dalka Ethiopia, waxaanu dalkani kaalin muhiim ah ka qaatay dhismaha ciidanka Badda Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.nt