Diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines Oo ka badbaaday shirqool Hay’adda duulista Soomaaliya u maleegtay

Hargeysa (SLpost)- War ka soo baxay Hay’adda Duulista Somaliland ayaa lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya awaamiir qaldan siisay diyaarad ay leedahay shirkadda Diyaarada Qatar Airways oo dul maraysay hawada Somaliland.

Somaliland waxa ay sheegtay in diyaaradda lagu amray inay kor uga kacdo joog ka sarreeya heerkii ay ku duulaysay, kaas oo lagu beegayey joogga ay ku duulaysay diyaarad ay leedahay Ethiopian airlines oo ku sii jeedday dalka Imaaraadka, taasoo xilligaas dulmaraysay hawada Somaliland.

Warka ka soo bqxay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland oo lagu faahfaahiyey fashilka shirqoolka Soomaaliya iyo sida ay labada diyaaradoood u kala badbaadeen, ayaa u qornaa sidan:-

“Maanta Abaaro 12:32 pm Africda Barri, Waxaa Diyaardda ay leedahay Qatar Airways duulimaadkeeduna ahaa (Qatari 6U) oo ka timi Dooxa kuna socatay (Entebbe) kuna duulaysay Joog ah (38000ft) ay si khaldan usiiyeen controllers ka Muqdisho inay korto 40,000feet.

Waxay diyaarada isku beegnaayeen oo iska hor imanayeen Diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines oo flight number keedu ahaa (Ethiopia 602) taas oo katimi Addis kuna socotay Dubia ,joogeeduna ahaan (39000ft) Diyaarada Qatari ayaa ku dhici gaadhay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee ka saraysay.

Laakiin nasiib wanaag qalabka Diyaaradda ku xidhnaa ee loo yaqaan TCAS(Tiikas)( traffic avoidance collision system) ayaa digniin Deg deg siyay una sheegay jooga la siiyay inay ku jirto Diyaaradda kale, qalabkaas ayaa ku amaray diyaarda Qatar inay aanay fuulin level kaas ama jooga 40,00ft.

Diyaaraduhu waxay isu jireen masaafo khatar badan , waxase kala badbaadiyay qalabkaaas ku xidhan labada diyaaradood.

Waxaad dhagaysan kartaa labadii kabtan oo wada hadlaya oo sheegaya in muqdisho qalab xumaaday ka siiyeen awaamiir khaldan waxayna balan qaaadeen inay gudbin doonaan warbixin (report) hayaddaha shaqada ku leh”.